SIDA LOOGA BIXIYO XOOLAHA SAKADA
1. Geela:
Waxayna ku waajibtaa dhammaan noocyadeeda ha ahaato mid leh hal tuur ama labo tuur, hadday ka bataan tiradooda shan waa sidan soo socota:
Tirada Inta waajibka ah Tirada Inta waajibka ah
Laga billaabo Ilaa Laga billaabo Ilaa
5 9 Neef ari ah 36 45 Nirig Labo sano jirsatay oo gashay sannadkii seddexaad
10 14 Labo neef oo ari ah 46 60 Qaalin seddex sano jirsatay oo gashay sannadkii afaraad
15 19 Seddex neef oo ari ah 61 75 Qaalin afar sano jirsatay oo gashay sannadkii shanaad
20 24 Afar neef oo ari ah 76 90 Labor nirgood labo jirsaday oo galay sannadkii seddexaad
25 35 Nirig sannad jir ah oo gashay sannadkii labaad 91 120 Labo qaalmood oo seddex jirsaday oo sannadkii afaraad galay
Haddii ay ka bataan 120 halood waxaa ku waajib ah afartan halaad kasta in laga bixiyo nirig labo sano jirta oo gashay sannadkii seddexaad, konton halaad kastana qaalin seddex sano jirta oo gashay sannadkii afaraad. Sidaas bayn ahaaneysaa xisaabta sakada si kasta ay u kordhaan.
2. Lo’da:
Waxayna ku waajibtaa dhammaan noocyada lo’da sida jaamuusyada iyo qeyrkood hadday ka bataan tiradeeda soddon, waana sidan:
Tirada Inta waajibka ah
Laga billaabo Ilaa
30 39 qurbac sannad jir ah.
40 59 Weyl labo sano jir ah.
60 69 Labo qurbac oo midkood walbaa sannad jir yahay
70 79 Weyl labo jir ah + qurbac sannad jir ah
80 ~ Hadday gaaraan 80 iyo ka badan, soddon walba waxaa laga bixinayaaa dibi sannad jir ah, afartan walbana weyl labo sano jir ah.
3. Ariga:
Sakada waxay ku waajibtaa ariga nooc kasta uu yahay ido iyo riyoba, hadday ka bataan tiradooda afartan, waana sidan:
Tirada Inta waajibka ah
Laga billaabo Ilaa
40 120 Neef ari ah
121 200 Labo neef oo ari ah
201 399 Seddex neef oo ari ah
400 499 Afar neef oo ari ah
500 599 Shan neef oo ari ah
600 ~ Hadday gaaraan 600 sakada ku waajibta boqol riyood waa ri keliya. Marka 600 ri’ waxaa laga rabaa 6 riyood, 700 riyood waxaa laga rabaa 7 riyood. Sidaas ku wad.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1605546
Today
Yesterday
All days
497
2581
1605546
2026-03-22 10:04

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69bfbeb270f8d9319534571774173874
title_69bfbeb270ff42013715191774173874
title_69bfbeb27105519547870461774173874
title_69bfbeb2710b315878050471774173874
title_69bfbeb271101520844761774173874
title_69bfbeb27114c1330798771774173874

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69bfbeb28184d17587988251774173874
title_69bfbeb28189f6403121811774173874
title_69bfbeb2818ed1481057311774173874
title_69bfbeb2819394672319371774173874

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com