SHURUUDAHA MU'ADINKA:
Mu'adinku waa inuu la yimaado arimaha soo socda:
1. Waa inuu Mu'adinku ula niyoodo una sameeyo Eedaanka Alle hortii oo aanu mushahaaro ama manfac kaleba ka qaadanin. Cuthmaan bin Abil-Caas ayaa Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ku yidhi: Rasuulkii Allow dadkayga Imaam iiga dhig. “Wuxuu Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam ku yidhi: Adaan Imaam kaaga dhigay ee iska jir kooda daciifka ah, una yeel Mu'adin aan Eedaanka lacag (mushqaayad) ka qaadanin.” (Abuu Daa'uud, an-Nasaa'i iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey iyo at-Tirmidi oo lafdi kale ku soo weriyey yidhina Xadiisku waa xasan).
Culimada ahlul cilmigu badankoodu may bannaynin in Eedaanka lacag (manfac) laga qaato Alle hortii in loola niyoodo mooyee.
2. Waa inuu Mu'adinku nijaasta weyn iyo midda yarba daahir ka ahaado markuu adimayo. Al-Muhaajir bin Qanfad (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam ku yidhi sidaan hore u soo sheegnay: “Wax ii diiday inaan salaanta kaa qaado may jirn aan ahayn anigoo neceb in aan Alle xuso anigoo aan daahir ahayn.” (Axmad, Abuu Daa’uud, an-Nasaa’i iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey iyo Ibnu Khuzaymah oo saxixay). Shaaficiyadu waxay qabtaa inay bannaan tahay hase yeeshee, karaahiyo ay ku jirto inuu adimo qof aan weyso qabin. Mad-habaha Axmad iyo Abuu Xaniifah waxay qabaan iyagu in aanay karaahiyo ku jirin arrintaa.
3. Waa inuu sarajoog ku adimo qibladana u jeesto. Ibnul Mundir wuxuu yidhi: Ijmaaca culimadu wuxuu yahay inay Sunnaha ka mid tahay in sarajoog lagu adimo waayo meel fog ayaa dhawaaqa laga maqli karaa haddii sarajoog lagu adimo. Waxa kale oo Sunnaha ka mid ah in Qiblada loo jeesto marka la adimayo. Labadii Mu’adin ee Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam waxay adimi jireen iyagoo Qiblada u jeeda. Haddii uu qofku adimo isagoo aan Qiblada u jeedin Eedaanki wuu ansaxayaa laakiin karaahiyo ayaa ku jirta.
4. Inuu Mu'adinku madaxa iyo qoorta dhinaca midig u qalloociyo markuu leeyahay Xayya Calas-Salaah, oo uu haddana u qaloociyo dhinaca bidix markuu leeyahay Xayya Calal falaax. An-Nawawi wuxuu yidhi waa sida ugu saxsan in Eedaanka loogu dhawaaqo. Abuu Xaniifah wuxuu isna yidhi: “Markuu Bilaal adimayo afkiisa ayaan midig iyo bidix u raaci jiray markuu leeyahay Xayya Calas-Salaah iyo Xayya Calal falaax.” (Axmad iyo labada Sheekh ayaa soo weriyey).
Al-Bayhaqii oo arrintaa ka faalooday wuxuu yidhi: In qoorta iyo laabta dhinacyada loo jeediyo kumay soo sugnaan Axaadiis saxiix ah. Imaam Axmad isna wuxuu ku sheegay kitaabka Al-Muqnii in aan qoorta iyo laabta dhinacyada loo jeedin iyadoo uu qofku minaarad korkeeda ka adimayo mooyee si ay dadka labada dhinacba ka xigaa u maqlaan.
5. Waa inuu Mu'adinku farta murdisada dhegaha geliyo. Bilaal (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Markaan adimayo dhegaha ayaan faraha gelin jiray .” (Abuu Daa'uud iyo Ibnu Xibbaan ayaa soo weriyey).
6. Waa inuu dhawaaqa kor u qaado oo uu aad ugu dhawaaqo xatta haddii uu joogo lama degaan cidla ah (saxaare). Cabdullah bin Cabdur-Raxmaan bin Abii Sacsacah wuxuu aabihii ka soo tebiyey inuu Abaa Saciid al-Khuduriyi ku yidhi: “Waxaan arkaa inaad adhiga iyo baadiyaha jeceshahay. Markaad adhigaaga la joogto ama baadiyaha joogto Eedaanka kor ugu dhawaaq waayo Jin iyo Insi iyo wax kasta oo uu codka Mu’adinku gaadho way u marag furaan Maalinta Qiyaanaha. Sidaa waxaan ka maqlay Rasuulku Alle Salallaahu caleyhi wasalam
.Axmad, al-Bukhaari, an-Nasaa’i iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey).
7. Waa inuu hakad u kala dhexaysiiyo labadii dhawaaqba oo cabbaar nasto markuu addimayo. Hase ahaatee, waa inuu isku daba xigsiiyo rereyada Iqaamada oo aanu u nasanin hakadna aanu u dhexaysiin. Axaadiis dhawr ah oo sidaa tilmaamaya ayaa jira.
8. Waa in aanu Mu'adinku Iqaamada dhexdeeda hadlin, siday culimadu isku raacday. Hase ahaatee, Eedaanka in lagu dhex hadlo culimada qaarkood waxay yidhaahdeen karaahiyo ayaa ku jirta. Qaar kalena hadalka way banneeyeen sida Imaam al-Xasan, Cadaa'a iyo Qataadah. Abuu Daa'uud wuxuu yidhi: Imaam Axmad ayaan weydiiyey inuu Mu'adinku Eedaanka dhexdiisa hadli karo? Wuxuu yidhi: Haa. Waxaan weydiiyey Iqaamadana? Wuxuu yidhi: Maya, laguma dhex hadli karo iyada. Waayo waa in la isku daba xigsiiyo ereyada Iqaamada.
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix