SHARCIGA EEDAANKA:
Eedaanka waxa la sharciyeeyay sanadkii koowaad ee Hijrada, sida ku soo aroortay Axaadiistan soo socota: Naafic waxa laga soo weriyey inuu Ibnu Cumar odhan jiray: “Muslimiintu way isu soo ururi jireen iyagoo iskood u xisaabinaya waqtiga salaadda isla markaana aanay cidina ugu yeedhin Eedaan. Maalin ay arrintaa Asxaabtu falanqeeyeen, waxay qaarkood yidhaahdeen aan jeles garaacno sida kiristaanka. Qaarna waxay yidhaahdeen aan caroog afuufno sida yuhuuda. Cumarna (Ihkra) wuxuu yidhi: Maxaynu qof inaga mid ah ugu diri weynay inuu dadka salaadda ugu yeedho? Markaasuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: Bilaalow kac oo dadka salaadda ugu yeedh (Addin).” (Axmad iyo al-Bukhaari ayaa soo weriyey).
Cadallah bin Zayd bin Cabdirabbih wuxuu yidhi: “Markuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam nagu amray in aanu garaacno jeles si dadka salaadda loogu yeedho (ama sida riwaayad kale odhanayso isagoo Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam karaahiyaysanaya inuu gaalada sidooda falo) ayaan ku riyooday anigoo hurda nin jeles sita oo igu dul wareegaya. Cabdullah wuxuu yidhi waxaan ninkii ku idhi: Addoonkii Allow, jeleska ma iibinaysaa? Wuxuu I waydiiyey maxaad ku falaysaa? Waxaan ku idhi: Salaadda ayaanu dadka ugu yeedhaynaa anagoo jeleska garaacayna. Wuxuu ninkii igu yidhi: Ma kuu tilmaamaa wax garaacidda jeleska ka khayr badan oo salaadda dadka loogu yeedho? Waxaan ku idhi: Haaye, ii sheeg. Wuxuu yidhi waxaad tidhaahdaa: “Allaahu Akbar, Allaahu Akbar. Allaahu Akbar, Allaahu Akbar. Ash-hadu Allaa Ilaaha Illa-Laah. Ash-hadu Allaa Ilaaha Illa-Laah. Ash-hadu Anna Muxammadan Rasuulu-Laah. Ash-hadu Anna Muxammadan Rasuulu-Laah.
Xayya Calas-Salaah, Xayya Calas-Saalaah. Xayya Calal falaax, Xayya Calal falaax. Allaahu Akbar, Allaahu Akbar. Laa Ilaaha Illa-Laah. Ninkii intuu iga yara fogaaday ayuu haddana yidhi: Markaad salaadda aqiimaysaanna dheha: Allaahu Akbar. Allaahu Akbar. Ash-hadu Allaa Ilaaha IllaLaah. Ash-hadu Anna Muxamadan Rasuulu-Laah. Xayya Calas-Salaah. Xayya Calal falaax. Qad qaamatis-Salaah. Qad qaamatis-Salaah. Allaahu Akbar. Allaahu Akbar. Laa Ilaaha Illa-Laah.
Markuu waagi beryay ayaan Rasuulkii Alle u imi oo aan uga waramay riyadii aan arkay. Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Waa riyo xaq ah haddii Eebbe idmo. U tag Bilaal oo u akhri waxaad aragtay una sheeg inuu sidaa u addimo waayo isagaa kaa cod fiican kaana cod dheer.” Bilaal ayaan u tegay oo aan u akhriyay wixii aan maqlay markaasuu bilaalna ku dhawaaqay. Cumar oo gurigiisa jooga ayaa Eedaankii Bilaal maqlay, markaasuu soo orday isagoo go’a jiidaya oo leh: Ilaahii xaqa kuu soo saaray ayaan ku dhaartee waxaan arkay riyo sidaas la mid ah. Markaasuu Rasuulkii Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Ilaahbaa mahad leh.” (Axmad, Abuu Daa'uud, Ibnu Maajah, Ibnu Khusaymah ayaa soo weriyey iyo at-Tirmidi oo yidhi waa Xadiis xasan Saxiix ah).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1605459
Today
Yesterday
All days
410
2581
1605459
2026-03-22 08:40

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69bfaaf985ab03726718331774168825
title_69bfaaf985b0714885563771774168825
title_69bfaaf985b5720397175651774168825
title_69bfaaf985ba56992374411774168825
title_69bfaaf985bf11534834781774168825
title_69bfaaf985c3e10316191861774168825

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69bfaaf9972fd4830802141774168825
title_69bfaaf99734e6384768731774168825
title_69bfaaf99739d11185031811774168825
title_69bfaaf9973f52877299811774168825

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com