WAQTIYADA AAN SALAADDA LA TUKAN KARIN:
Lama ogola in salaad (Sunne ama farad) la tukado saddexda waqti ee hoos ku xusan:
1. Salaadda Subax dabadeed ilaa ay cadceeddu soo baxdo oo ay dhulka ka go'do waran dhererkii.
2. Markay cadceeddu ku beegan tahay cirka badhtankiisa ilaa ay dhinaca galbeed u dhaafto.
3. Salaadda Casar wixii ka dambeeya ilaa intay cadceeddu dhacayso. Abii Saciid (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Lama tukan karo salaad ka dambaysa salaadda Casarka ilaa ay cadceeddu dhacdo, lamana tukan karo wixii salaadda Subax ka dambeeya ilaa ay cadceeddu soo baxdo.” (AlBukhaari iyo Muslim Waxa weriyey).
Camr bin Cabasah wuxuu yidhi: Waxaan idhi Nebi Allow Salaadda iiga waran? Wuxuu yidhi: “Tuko salaadda Subax dabadeetana joogji salaadda ilaa ay cadceeddu soo baxdo oo ay kor u kacdo, waxay ka soo baxdaa geesaha shaydaanka dhexdooda, kufaartuna waqtigaa way u sujuudaan. Haddana tuko maragna waa loo noqon salaadda, waana lagu soo biiri (Malaa’iigtu) ilaa uu hadhku ku beegmo kuna baaba’o waranka guntiisa. Dabadeetana joogji salaadda waayo Jahannama ayaa waqtigaa la huriyaa. Haddana tuko markuu hadhku soo rogmo maragna waa loo noqon salaadda, waana lagu soo biiri (Malaa’iigtu) ilaa aad Casar tukato. Haddana salaadda jooji ilaa ay cadceeddu dhacdo waxay ka dhacdaa geesaha shaydaanka dhexdooda kufaartuna waqtigaa way u sujuudaan.” (Axmad iyo Muslim ayaa soo weriyey).
Cuqbah bin Caamir (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu naga mamnuucay saddex waqti in aanu tukano maydkayagana aasno: Cadceed soo baxa ilaa ay cadceeddu soo baxdo oo muuqato korna u kacdo. Marka uu hadhku qofka gondihiisa ku beegmo iyo markay cadceeddu sii dhacayso ilaa ay godka gasho.” (Jamaacada ayaa soo werisay al-Bukhaari mooyee).
Ra’yiga Fuqahada ee salaadda Subaxa iyo Casarka dabadood: Culimada badankoodu (al-Jamhuur) way banneeyeen in la qalleeyo hadday salaaddi ku dhaafto salaadda Subax iyo Casar dabadood. Waxay culimadu daliishadeen Xadiiska Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam ee aan hore u soo sheeganay ee labada Sheekh soo weriyeen ahaana “Qofkii ilaawa salaad waa inuu tukado markuu xasuusto.” Hase ahaatee, salaadda aan faradka ahayn Asxaab badan oo ay ka mid yihiin Cali, Ibnu Mascuud, Zayd bin Thaabit, Abuu Hurayra iyo Ibnu Cumar way karheen in la tukado labadaa Salaadda 154 waqti. Cumar (Ihkra) wuu karbaashi jiray kuwa laba rakcadood tukada Casarka dabadii iyadoo Asxaabti ay goob-joog tahay cidina kumay inkirin. Khaalid bin Waliid isaguna sidaa ayuu fali jiray. Waxa arrintaa karhi jiray iyana Taabiciin badan oo ay ka mid yihiin: Al-Xassan, Saciid Ibnul Musayib iyo Abuu Xaniifah iyo Maalik. Mad-habta Shaaficiyadu waxay bannaysay in la tukan karo Sunnihii aan ujeedo gaar ah lahayn labadaa waqti, sida bariidinta Masjidka (Taxiyatul Masjid) iyo Sunnaha weysada. Waana sida xaqa ugu dhow marka Mad-habaha kale ra’yigooda loo eego. Shaaficiyadu waxay daliishanayaan inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam tukaday Sunnihii Duhurka Casar dabadii. Mad-habta Xanbaliyadu waxay qabtaa in aanay bannaanayn in la tukado salaadba labadaa waqti ee aan kor ku sheegnay xattaa hadday jirto sababa macquul ah, marka laga reebo labada rakcadood ee dawaafka. Waxay daliishanayaan Xadiiska Jubayr bin Mudcam laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Reer Cabdu Manaafow ha u diidina qofna inuu ku dawaafo ama ku tukado gurigan (Kacbada) markuu rabo habeen iyo dharaarba.” (Asxaabta Sunanka ayaa soo weriyey, Ibnu Khuzaymah iyo at-Tirmidina way saxixeen).
Ra’yiga ay culimadu ka qabto saddexda goor ee aan salaadda la ogolayn: Xanafiyadu waxay qabtaa in aanay salaaddu ansixin haba yaraatee waqtiyadaa. Ha ahaato salaad farad ah ama nafal, mid qalle ah ama mid waqtigeedi joogo. Waxay ka reebeen oo keliya salaadda qofkii aan maalintaa wali tukan iyo salaadda janaazada. Labadaa iyadoo aan karaahiyo ku jirin ayaa la tukan karaa. Sidoo kale, waxay ka reebeen iyana sujuudda tilaawada haddii Aayadaha tilaawada la akhriyo waqtiyadaa oo la sujuudi karo siday qabaan. Abuu Yuusuf wuxuu isna ka reebay salaadda tadawuca ah ee maalinta Jimcaha markay cadceeddu cirka badhtankiisa ku beegan tahay. Shaaficiyadu waxay u arkaan inay karaahiyo ku jirto haddii la tukado salaaddaha nafalka ah ee aan sabab sharci ah lahayn waqtiyadaa. Hase yeeshee, salaadda faradka ah, nafalka sabab sharci ah leh, nafalka maalinta Jimcaha markay cadceeddu cirka badhtankiisa ku beegan tahay iyo nafalka Xaramka lagu tukado intuba waa mubaax karaahiyana kuma jirto. Maalikiyadu waxay u arkaan inay salaadda nafalka ahi xaaraan tahay waqtiga ay cadceeddu soo baxayso ama dhacayso xattaa haddii ay sabab sharci ahi jirto. Sidoo kale, waxay qabaan in aanay bannaanayn sujuudda tilaawada iyo salaadda Janaazada midna iyadoo laga baqo inuu maydku xumaado mooyee. Waxay banneeyeen qallaha iyo wixii fardul cayn ah in la tukado labadaa waqti. Sidoo kale, Salaadda 155 waxay iyagu banneeyeen in la tukado salaad oo dhan farad iyo nafalba waqtiga cadceeddu cirka badhtankiisa joogto. Al-Baajii wuxuu ku sheegay Sharaxa kitaabka AlMuwadda’ iyo Al-Mabsuud inuu Ibnu Wahab yidhi: Maalik ayaa laga waraystay salaadda la tukado markay cadceeddu samada badhtankeeda ku beegan tahay. Wuxuu yidhi: “Waxaan soo gaadhay dadka oo tukada markay cadceeddu samada badhtankeeda ku beegan tahay iyadoo haddana ay jiraan Axaadiis sidaa inoo diidaysa. Aniguna dadka u diidimaayo wax aan soo gaadhay iyagoo falaya, mana jecli in loo diido.” Xanbaliyadu waxay qabaan in aan la tukan salaad nafal ah haba yaraatee saddexdaa waqti, haddii ay sabab sharci ahi jirto iyo haddii kaleba. Ha ahaato mid Makka lagu tukado ama meel kale, ha ahaato maalin Jimce ama maalin kale intaba. Waxay ka reebeen oo keliya bariidinta Masjidka ee maalinta Jimcaha oo iyada ay qabaan in la tukan karo iyadoo aan karaahiyo ku jirin waqtigay cadceeddu samada badhtankeeda ku beegan tahay iyo markay khudbaddu socoto labadaba. Waxay qabaan oo kale inay xaaraan tahay in salaadda Janaazada la tukado waqtiyadaa iyadoo laga baqo inuu maydku xumaado mooyee oo markaa ay bannaan tahay in la tukado. Waxay banneeyeen oo kale qallaha salaaddaha, sujuudda tilaawada iyo dawaafka Kacbada waqtiyadaa saddexda ah. Halkaa wax ku dhan ra’yiga Mad-habaha iyo daliilkoodii. Tadawuca waaberiga iyo salaadda Subax ka hor: Yasaar oo ah ninkii uu Ibnu Cammaar xoreeyay wuxuu yidhi: Ibnu Cumar ayaa I arkay anigoo tukanaya salaaddii Fajarka dabadeed kolkaasuu yidhi: Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaa nagu soo baxay anagoo tukanayna saacaddan oo kale markaasuu yidhi: “Kuwiina joogaa ha gaadhsiiyeen kuwiina maqan in aan salaad la ogolayn salaadda Subax dabadeed, laba rakcadood mooyee.” (Axmad iyo Abuu Daa’uud ayaa soo weriyey).
Inkastoo uu Xadiisku daciif yahay, haddana dariiqyo badan oo lagu soo weriyey ayaa midba midka kale xoojinayaa. Sidaas darteed, waxa loo daliishan karaa inay karaahiyo ku jirto haddii laba rakcadood wax ka badan la tukado waagu markuu beryo dabadeed siduu ash-Shawkaani yidhi. Al-Xasan, ash-Shaafici iyo Ibnu Xazm waxay qabaan inay bannaan tahay in waqtigaa la tukan karo dhammaan salaaddaha nafalka ah iyadoo aanay karaahiyo ku jirin. Maalik isagu wuxuu qabaa inuu waqtigaa tukan karo qofkii cudur-daar sharci ah dartii Salaatul-Laylku uga tegay. Imaam Maalik wuxuu sheegay inay soo gaadhay inay Cabdullah bin Cabbaas, al-Qaasim bin Muxammad iyo Cabdullah bin Caamir Ibnu Rabiicah ay dhammaantood witir tukadeen Fajarka dabadii. Cabdullah bin Mascuud isaguna wuxuu yidhi: Ima dhibto haddii salaadda Subax la aqiimo anigoo witir tukanaya. Yaxya bin Saciid wuxuu isna yidhi: Cubaadah bin asSaamit ayaa dadka tukin jiray. Wuxuu malin salaaddii Subax u baxay iyadoo uu Mu’adinki u kacay inuu salaadda aqiimo, laakiin Cubaadah intuu Mu’adinkii ku yidhi: U kaadi ayuu witirkii dhamaystay markaasuu dadkii tukiyey. Saciid bin Jubayr isaguna wuxuu sheegay inuu Ibnu Cabbaas ku yidhi kaaliyihiisii maalin ay hurdadu la tagtay: Orod oo soo eeg wuxuu dadku samaynayo, waxay ahaydna waqtigii uu indha beelay. Kaaliyihi markuu ku soo laabtay wuxuu ku yidhi: Dadki salaaddii Subax ayay ka dareereen. Ibnu Cabbaas intuu kacay ayuu witir tukaday dabadeetana salaaddii Subax ayuu raaciyey.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

788962
Today
Yesterday
All days
1578
779
788962
2024-12-21 16:50

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6766f1c34563d7443990701734799811
title_6766f1c34571312439664731734799811
title_6766f1c3457e312847851741734799811
title_6766f1c3458b011592362901734799811
title_6766f1c34597b13360613691734799811
title_6766f1c345a4f17085539001734799811

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6766f1c3467b39815314851734799811
title_6766f1c3468857586840251734799811
title_6766f1c34695317498034581734799811
title_6766f1c346a2a17525905571734799811

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com