WAQTIGA CASARKA:
Casarku wuxuu bilaabmaa marka shay (sida qof) dhererkiisa iyo hadhkiisu ay is le'ekeedaan ilaa intay cadceeddu dhacayso. Abuu Hurayra wuxuu sheegay inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofkii rakcad keliya ka gaadha intaan cadceeddu dhicin waa qof Casarkii gaadhay.” (Jamaacada ayaa soo werisay). Lafdi uu alBayhaqii ku soo weriyeyna wuxuu yidhi” :Qofkii Casar tukada rakcad keliya intaan cadceeddu dhicin ka hor ee inta kalena dhamystira markay cadceeddu dhacdo Casarki muu dhaafin.
Waqtiga ugu fiican iyo waqtiga karaahiyada: Waqtiga ugu fadliga badan in salaadda Casarka la tukado wuxuu dhamaadaa cadceeddu markay guduudato wixii ka horeeya. Sidaa waxa caddaynaya Xadiiska Jaabir laga soo weriyey iyo ka Cabdullah bin Camr laga soo weriyey ee aan hore u soo sheegnay. Hase ahaatee, inkastoo ay bannaan tahay in la tukado cadceed guduudka ka dib haddana karaahiyo ayaa ku jirta haddii aan cudur-daar weyni jirin. Anas wuxuu yidhi: Waxaan maqlay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam oo leh: “Taasi waa salaadda munaafaqa oo intuu suga ilaa ay cadceeddu labada gees ee shaydaanka dhexdooda gaadhayso , kabacdi intuu kaco tukada afar racadood oo deg-deg ah isagoo aan Alle xusin wax yar mooyee.” (Jamaacada ayaa soo werisay al-Bukhaari iyo Ibnu Maajah mooyee).
An-Nawawi oo waqtiga salaadda Casarka ka faaloonayaa wuxuu yidhi: Asxaabtayada Shaaficiyadu waxay qabaan inuu waqtiga Casarku u qaybsamo shan qaybood. Kuwaas oo ah:
1. Waqtiga ugu fadliga badan.
2. Waqtiga ikhtiyaarka.
3. Waqti la ogol yahay oo aan karaahiyo ku jirin.
4. Waqti la ogol yahay laakiin karaahiyo ku jirto
5. Waqtiga cudur-daarka. Waqtiga ugu fadliga badani waa waqtiga ugu horeeya markay salaaddu soo gasho in la tukado. Waqtiga ikhtiyaarkuna wuxuu joogaa ilaa inta hadhka shay waliba labadii noqonayo. Waqtiga la ogol yahay in la tukado iyadoo aan karaahiyo ku jirinna wuxuu joogaa ilaa markay cadceeddu huruud noqoto. Waqtiga la ogol yahay in la tukado laakiin karaahiyadu ku jirtaana wuxuu joogaa markay cadceeddu huruud noqoto ilaa cadceed dhaca. Waqtiga cudur-daarkuna waa waqtiga salaadda Duhur qofkii raba inuu isku jamciyo Duhurka iyo Casarka safar ama roob dartood.
Shantaa waqti qofkii Casarka tukadaa waa qof xilkii ka soo baxay. Haddiise ay cadceeddu dhacdo wuxuu noqonayaa qalle.
1 -Qofka Casar la suga intay cadceeddu godka ku dhowaanayso.
2 -Qofka tukada afar rakcadood oo deg-deg ah una tukada siduu diigdu wax u cuno si la mid ah isagoo u rukuucaya una sujuudaya, oo ictidaal iyo khushuuc midna aan lahayn.
Maalinta daruuraha leh in la dedejiyo: Buraydah al-Aslamiyi wuxuu yidhi: Maalin aanu Qazwad Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam Salallaahu caleyhi wasalam kala qayb gallay wuxuu yidhi: “Maalinta daruuraha leh salaadda Casar dedejiya, waayo qofkay salaadda Casar dhaafto camalkiisi wuu buray.” (Axmad iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey).
Ibnul Qayim oo arrintaa sii balaadhiyey wuxuu yidhi: Ka tegidda salaaddu waa laba nooc. Qofka ka tega ee dhaafay dhammaan salaad oo dhan camalkiisa oo dhan waa la xidhaa oo wuxuu Alle ka yeelaa wax jirin. Qofkii salaaddi dhaafto waqti maalinta ka mid ahna camalkiisii ayaa maalintaa la xidhaa.
SALAADDA CASARKU WAA SALAADDA DHEXE: Wuxuu Alle Caza wajala yidhi: Xafida salaadaha iyo salaadda dhexe (Casarka), una istaaga Alle dartii idinkoo khushuucsan. (Al-Baqarah: 238).
Axaadiis Saxiix ah ayaa iyana caddaynaya inay salaadda Casarku tahay salaadda dhexe. Cali bin Abii Daalib (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi maalintii dagaalka al-Axzsaab: “Alle qabuurahooda iyo guryahooda naar ha ka buuxiyo, waxay naga mashquuliyeen salaaddii dhexe (Casar) ilaa ay cadceeddi dhacday.” (Al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey). Lafdiga Muslim, Axmad iyo Abuu Daa’uudna wuxuu yahay: “Waxay naga mashquuliyeen salaaddii dhexe oo ah salaadda Casar.”
Ibnu Mascuud (Ikhra) isagana waxa laga soo weriyey in maalin ay mushrikiintu mashquuliyeen Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam ilaa ay cadceeddu casaatay oo huruud noqotay (waqtigii Casarna gabaabsi noqday) uu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Uurkooda iyo qabuurahooda Alle Naar ha ka buuxiyo.” (Axmad, Muslim iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey).
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix