Asalka Shiicada

Farqiga U Dhexeeya
Ahlu Sunnaha Iyo Shiicada.

Sida cutubyadii hore ku cad Ahlu Sunnaha iyo firqadan shiicada ah waxaa u dhexeeya wax badan, haddii aannu halkan ku soo koobno waxaa kamid ah:

1. Imaamada (Khilaafada)

Ahlu Sunnahu: Inuusan Nabigu (صلى الله عليه وسلم) ka dardaarin, balse ay saxaabadii u arkeen inuu Abuu bakr mudan yahay sidaasina lagu doortay ka dibna Cumar, Cusmaan iyo Cali.

Shiicada: Waxay rumeysan yihiin in-uu Nabigu (صلى الله عليه وسلم) Cali uga dardaarmay, hase yeeshee la shirqoolay laga-na xoogay.

2. Saxaabada

Ahlu Sunnahu: Waxay rumeysan yihiin in dhammaan caadiliin amaana leh yihiin Nabiguna ( صلى الله عليه وسلم) uu ka dhintay isaga oo raalli ka ah.

Shiicada: Waxay rumeysan yihiin in saxaabadu faasiqiin gaala ah yihiin in yar mooyee oo la qiyaaso iney dhowr iyo toban yihiin.

3. Quraanka

Ahlu Sunnahu: Waxay rumeysan yihiin in Kitaabka Quraanka ee 114ka suurad ah 30 ka Juzna ah uu yahay Kitaabkii Ilaahay ku soo dajiyay Nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم)) Ilahayna xifdiyay waxna laga badalin.

Shiicadu: Waxay rumeysan yihiin in-uu jiro Kitaab kale ee aan ahayn Quraankan Muslimi-intu haysato, kaasoo lagu magacaabo Musxaf Faduma oo ay yiraahdaan waa ka badan yahay kan hadda la haysto wax bandanna kaga duwan.

4. Cilmiga Qarsoon

Ahlu Sunnahu: Waxay rumeysan yihiin in Qeybka (cilmiga qarsoon) uu Ilahay (c) kaliya og yahay cid kale oo makhluuq ah aysan ogeyn Malik Ilaahay (c) u dhaw ama Nabi la soo diray ha noqdo, arinta waa mid Ilahayu (c) gaar ah Quraankan uu aayado ba-dan ku cadeeyay.

Shiicada: Waxay rumeysan yihiin in Imaamyadoodu ay cilmiga qarsoon og yihiin oo arintan tahay waxyaabaha uu Ilaahay (c) ku gaar yeelay Imaamyada.

5. Caqiidada Bada (Alle wuxuusan ku talagalin ayaa ku soo baxa markaas ayuu qadaraa).

Ahlu Sunnahu: Ma rumeysna caqiidadan oo waa baadil Ilaahay (c) ka hufan ka dheer in wuxuusan ogeyn ama qada-rin ay ka dhacaan dunidan, sidii uu ugu talagalay oo uu u qorsheeyay ayay wax waliba u dhacaan.

Shiicada: Waxay rumeysan yihiin in mararka qaar ay Ilaahay (c) ku soo baxaan ama ay u muuqdaan wuxuusan ku talagalin ka dibna uu qadaro markaas, waa caqiido qaloocan oo Ilaahay (c) cilmigiisa meel looga dhacayo, kana hufan arintaasi.

6. Cismada

Ahlu Sunnahu: Waxay rumeysan yihiin in Nabiyada kaliya ay leeyihiin cismada (Dhowrsanaanta danbi iyo qaladba laga dhowrsan yahay) inta kale aadanuhu waa qaldamaa oo ma dhorwsana.

Shiicada: Waxay rumeysan yihiin Nabiyada ka sokow waxaa cisma leh Imaamyada, 12ka imaam ee ay shiicadu sheegaan sida Anbiyada ayay cismo u leeyihiin sidoo kalena waxayba dheer yihiin Anbiyada iney cilmiga qarsoon wax ka ogyihiin

7. Taqiya (in waxa la rumeysan yahay laga been sheego).

Ahlu Sunnahu: Waxay u arkaan iney tahay munaafaqnimada uu Ilaahay (c) Kitaabkiisa kariimka ah ku sheegay oo ah uurka iyo oogada kala duwan. Qofka muslimka ah caqiidadiisu waa saxiix waxa uurkiisa ku jira ee uu rumeysan yahay waa wax ka muuqda oo uu ku camal falo, marna ma kala duwanaadaan muuqatadiisa iyo qarsoontiisa, waana tilmaamaha Mu’minka xaqa ah.

Shiicada: Waxay u arkaan taqiyadaasioo ah qarsashada waxa la rumeysan yahay, gaar ahaan muslimiinta dhexdooda, iney ka mid tahay diinta oo ay tahay cibaado Ilaahay (c) loogu dhawaanayo, qofkii aan sameyna uusan diinta ku taagney.

logo 2


Facebook Liibaanta

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

3284719
Today
Yesterday
All days
866
2667
3284719
2026-10-12 08:37

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

JSN_TPLFW_GOTO_TOP
UongofuUongofu.com