AADAABTA ISLAAMKA

Cumar Bin Al-Khattaab (ra)

Maalin maalmaha kamid ayuu wuxuu akhrinayey suuradda 52-aad ee qur’aanka, laguna magacaabo Suurat- Adhuur, markii uu marayo{ INNA CADAABA RABBIKA LAWAAQIC} (Cadaabka rabbigaa waa kii dhacaya), ayaa oohintiisii badatay wuxuuna bilaabay inuu hadba kuhakado aayaddaas iyada ah, isagoo kusoo celcelinaya, kaddibna wuu xanuunsaday tiiraanyo darteed, ilaa uu kusugnaaday ayaamo badan gurigiisa, dadkuna ay hadba kusoo booqanayeen jirradiisa awgeed!.

Sidoo kale maalintii naftu kadhacaysay cumar isagoo kujiifa dhabta wiilkiisa ayuu wuxuu kuyiri: “Wiilyohow madaxayga dhulka iska dhig oo ciidda dhig, waxaan rajaynayaa in Ilaahay arrintaan darteed iigu naxariistee”, Sidoo kale wuxuu yiri carabi ahaan:

 WEEYLUN LI UMMI CUMAR ILLAM YAQFIR LII”

”Hooyadii cumar waa hoogtay, haddii aan cumar Ilaahiis u naxariisan,” Isaga ayaa isula jeeda hadalkaan isaga ah.

Waxaa kaloo lawariyaa in Cumar indhihiisa hoostooda ay kuyaalleen laba xariiqamood oo madoow oo kadhashay iilmadiisa badan, oo uu Alle dartiis u ooyi jiray.

(WAKAANA FII WAJHIHI KHADDAANI AL ASWADAAN MINAL BUKAA).

Abuu Bakar As-Siddiiq (rc)

Abuubakar(Allaha ka raalli noqdee) sida uu warinayo imaam Axmed ibnu xanbal, waxaa laga hayaa inuu yiri: “Waxaan jeclaystaa inaan ahaado xabbad tin ah oo kutaal jirka qof mu’min ah”, saas wuxuu uleeyahay saxaabigu cabsi uu kaqabo Ilaahay lakulankiisa.

Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxuu qabtay carrabkiisa foodiisa, markaasuu wuxuu yiri carabi ahaan: “haadaa Alladii awradanii almawaarid” (kan oo carrabkayga ahi waakan i dabaalsiinaya togaga iyo balliyada) wuxuu ula jeedaa kahadalka dadka maqan arrimahooda ayuu idabaalsiiyey carrabkaygu(saxaabigu wuxuu ahaa ruux Alle kacabsi badan, laakiin naftiisa ayuu dhaliilayaa).

Sidoo kale waxa uu imaam Axmed kuweriyey kitaabkiisa la yiraahdo AZZUHDI in uu Abuubakar yiri carabi ahaan: “ABKUU FA IN LAM TABKUU FATABAAKAW” (dadoow ilaahay dartiis u ooya, haddii iinnaan ooyi karinna kudadaala inaad ooydaan). Sidoo kale waxa uu Imaam Axmed ka warinayaa MUJAAHID isagoo sheegaya Abuubakar sifadiisa:

“WAKAANA IDAA QAAMA ILAA ASSALAATI KA’ ANNAHU CUUDUN MIN KHASHYATI ALLAAH”

Abuubakar markuu u istaago salaadda wuxuu ahaa sidii tiirkii oo kale, dhaqdhaqaaq la’aan, cabsi Ilaahay darteed.

Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayaa Abuubakar yiri: ” Wallaahi waxaan jeclaystaa inaan ahaado geed ladaaqay oo xooluhu ay ruugeen”(yacni geeduhu maadaama aysan xisaab lahayn qiyaamaha, ayuu leeyahay maxaan geed u ahaan waayey aan xisaabta kabaxsadee!.

Khoofkii (Ama Cabsidii Saxaabaha)

Ilaahay baa ammaan oo dhan & xamdiba iskaleh, Allaha Khabiirka ah oo haddana Xakiimka ah, Xaal uuyahay kii kusugnaaday carshigiisa, Ilaaha qorrax kasoo baxa iyo qorrax udhaca, Allaha abuurtay Maroodiga iyo muluca, kan si guud ugu naxariista adoomihiisa, hayeeshee si gaar ah ugu naxariista Mu’miniinta..

Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato Nabigeennii udgoonaa Muxammad, raxmaddii caalamka, hanuuniyihii ummaddiisa, shafeecihii qiyaamaha, siraajkii muniirka ahaa & saaxiibka Xawdka(darka) ay mu’miniintu kacabi doonaan maalinta qiyaame ee ay qorraxdu kulushahay, Intaas kaddib.

aahdeen

“Ilaahay qaadir ahaaye, isagoo isticmaalaya cilmigiisa ballaaran ee u sahlaya inuu ogaado waxa soo socda, ayuu wuxuu fiiriyey quluubta adoomihiisa bini’aadamka ah, markaasuu wuxuu ka-doortay dhexdooda Nabiyadiisa iyo rusushiisa.

Kaddibna wuxuu fiirshey quluubta Nabiyadiisa, markaasuu wuxuu ka doortay Nabi Maxamed (csw) iyaga dhexdoodii, kaddib wuxuu fiirshey quluubta addoomihiisa ka soo haray ee aan nabiyada iyo malaa’igta ahayn, markaasuu wuxuu ka doortay saxaabadii nabi Muxammed, isla markaasna uu iyaga u doortay Rasuulkiisa inay garab iyo gaashaan u noqdaan, Ilaahay wuu doortay asxaabta nabiga, kaddib markuu fiirshey quluubtooda, kaddib markuu ogaaday inay u qalmaan inuu doorto.

Marka walaalahaygii wanaagsanaayoow, waxaan mawduuceenaan maanta ku eegi doonaa sifihii ama sidii ay saxaabadii Rasuulka lanoolaa ay udhaqmi jireen ama uu ahaa Cabsida ay Alle ka qabeen ciqaabkiisa, tan markaan isla eegno waxaa kuu baxaya in annaga nool maanta iyo iyaga waqtigaas joogey aan isu jirno inta cirka iyo dhulku ay isu jiraan (yacni sida Islaamkeennu u kala fog yahay, iyo sida ay nooga fiicnaayeen)..

logo 2


Facebook Liibaanta

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

3384770
Today
Yesterday
All days
20
4535
3384770
2026-11-10 00:12

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

JSN_TPLFW_GOTO_TOP
UongofuUongofu.com