CIBAADAYSO SI DHEXAAD AH

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

53. " Dhaa haa. Qur'aanka kuuguma aannu soo dejin inaad ku dhibtooto'. Suuradda Daaha: Aayadda 1.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

54. " Alle wuxuu idin la rabaa fudayd e culays iyo dhib idin lama rabo'. Suuradda Al-Baqarah: Aayadda 185.

142. Caa'isha (A.K.R.) Waxay tiri: Nebigaa (S.C.W.) mar ii soo galay iyadoo ay haweeney ila fadhiday. Wuxuu i weydiiyey: ' tani waa tuma? Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: ' Waa hebla ee lagu yaqaan salaad badnida. Isagoo hadal u jeedinaya wuxuu yiri: I dhageysta. " Waxaa la idinka rabaa inaad tukataan oo keliya inta aad ku gudan kadhaan si fudud. Alle baan ku dhaaran, Alle idinka daali maayo inaad adinku daashaan maahee. Alle wuxuu jecel yahay salaadahaa cibaadeystuhu sida fudud u gudan karo, uuna daa'imo'. (Bukhaari iyo Muslim)

143. Anas (A.K.R.) Wuxuu yiri: Mar waxaa dhacay seddex nin inay yimaadeen si ay uga wareystaan reerahii Nebiga (S.C.W.) sida ay tahay cibaadadiisa. Markii loo sheegay bay toodii la yaraatay oo yiraahdeen nebigii Alle dembigiisa u dhaafey mid hore iyo mid dambaba yaa sidaa ahe innagu xaggee joognaa?. Midkood baa yiri: Anigu wixii hadda ka dambeeya waxaan ku jirayaa habeenkii oo idil salaad. Kii labaadna wuxuu yiri: Aniguna wixii maanta ka dambeeya soon baan wadayaa afurina maayo. Kii seddexaad wuxuu yiri: aniguna naagahaan ka fogaanayaa oo weligey guursan maayo. Nabigaa (S.C.W.) markaa yimid oo weydiiyey: " Ma idinkaa sidaas iyo sidaas yiri? Haddaba i dhageysta, Waxaan ka cabsadaa Alle si aydan uga cabsan, anigaana idiin kugu gudan og xilka iyo arrimahuu waajibiyey, waana soomaa oo afuraa, oo tukadaa oo seexdaa, oo haweenka guursadaa, qofkii sunnahayga ka jeesadaana iga mid maha'. (Bukhaari iyo Muslim)

144. Ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Qallafsanayaashaa - yacni Dadka xadka gooya oo xag jirsada - (markay gudanayaan waajibaadkooda diiniga ah) baa ba'ay oo balaanbalay.' Wuxuu ku celceliyey weedhaa seddex jeer.' (Muslim)

145. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: " Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Fulinta qodobbada iyo awaamirta diinta wax adag maaha oo waa fududdahay. Qofkii isku adkeeyana waa ku adkaanayaa, sidaa awgeed dhexaad ahaada, una fuliya waajibaadka diinta si waafaqsan awoodiinna, oo bishaaraysta, oo ku raadsada hiilka iyo gargaarka Alle salaad badan aad tukataan subaxii, galabtii, iyo qaybo ka mid habeenkii'. (Bukhaari)

Werin kale oo Bukhaari dhigayo waxay ahayd: Dhexdhexaad ahaada, waajibaadka diintana u fuliya sida aad u awooddaan oo karaankiin ah, Salaadahana la imaada subaxii iyo galabtiis, iyo qaybo ka mida habeenkii, dhexdhexaadna wax ku wada aad gaartaan dantiinna'e".

Fiiro gaar ah: Soo jeedinta subax, galab, iyo salaadaha habeenka waxay muujin in saacadahaa qofku karo inuu si wacan u tukado oo khushuuc leh gaarona dantiisa. Salaadaha xiriirka ah se ee badan waqti kastana la tukado waxay qofka ka qaadayaan degannaantii iyo khushuucii la rabay, sidaa awgeed qofkaa awood uma yeelanayo inuu ku caddaalad falo dhexdhexaadna ku ahaado arrimaha la xiriira diintiisa iyo dunidiisa.

146. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaa mar dhacday in nebiga (S.C.W.) yimid masjidka, wxuu arkay xarig ku xiran laba tiir dhexdood. Wuxuu weydiiyey sababta xarigga loogu xiray labada tiir dhexdood. Asxaabtii waxay yiraahdeen: Zaynab baa xirtay xariggan si ay ugu nasato oo u cuskato markii ay ku daasho salaadaheeda. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Fura. Waa inaad tukataan intaad fir fircoon tihiin. Markii aad dareentaan daal waa inaad baxdaan si aad u nasataan. (Bukhaari iyo Muslim)

147. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: Haddii ay qofkiin lulmo qabato isagoo tukanaya waa inuu baxaa oo seexdaa illaa ay hurdadu ka ba'do uuna soo kaco isagoo firfircoon oo maankiisu joogo; maxaa yeelay haddii uu qofku salaad wado isagoo hurdeysan, ma garanayo hadallada uu ku dhawaaqayo; waxaa laga yaabaa inuu is caayo isagoo dembi dhaaf weydiiso is leh'. (Bukhaari iyo Muslim)

148. Abuu Cabdullaah Jaabir ibn Sumrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan la tukan jirey Nebiga (S.C.W.) salaadaha. Salaadihiisa iyo khudbaddiisuba waxay ahaan jireen dhexdhexaad'. (Muslim) 149. Abuu Juxayfah Wahab ibn Cabdullaah (A.K.R.) Wuxuu yiri: ÒNebigaa (S.C.W.) wallaaleeyey Salmaan iyo Abuu Dardaa, (A.K.R.) Mar baa waxaa dhacday inuu Salmaan soo aaday si uu booqdo abuu Dardaa (A.K.R.) wuxuu arkay xaaskiisiiyoo dhaaraan qabta (dhar xun) Wuxuu weydiiyey waxa ku dhacay? Waxay tiri: walaalkaa abuu Dardaa xaal adduunyo dan kama laha (iyo dumarba taasooy ula jeedday inuu mar walba salaad ku howlan yahay). Markiiba Abuu Dardaa (A.K.R.) baa yimid oo u sameeyey xoogaa cunto ah Salmaan (A.K.R.) kana codsaday inuu cunaa isagoo oo ku yiri: Kaalama qaybgalayo waayo waa aan soomanahay. Salmaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan cunayaa oo keliya, haddii aad ila cunaysid. Markaasuu Abuu Dardaa (A.K.R.) la cunay. Habeenkii buu abuu Dardaa (A.K.R.) salaatu leyl u kacay. Salmaan baa ka codsady inuu seexdo saa waa uu seexday. Muddo kaddib buu misna u kacay abuu Dardaa salaatu leyl, isla sidii buu uga codsaday inuu seexdo.. Markii gelin dembeedkii habeenka la gaarey buu Salmaan (A.K.R.) yiri: Haatan kac waa waqtigeediiye, Shaki ma leh Rabbigaa xaq buu kugu leeyahay; naftaaduna xaqbay kugu leedahay; xaaskaaguna xaq bay kugu leedahay. ee mid walbaa xaqa uu leeyahay sii. Labadoodii baa waxay u tageen Nebigii (S.C.W.) oo sidii u sheegeen. Nabigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: Wuxuu Salmaan leeyahay waa sax'. (Bukhaari iyo Muslim)

150. Abuu Muxammad Cabdullaah ibn Camar ibn Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaa loo sheegay nabiga (S.C.W.) inaan ku dhaartay inaan wadayo soon maalintii oo dhan oo tukado salaado sunno ah habeenkii oo dhan inta aan noolahay. Nabigu (S.C.W.) wuxuu i weydiiyey: " Ma adigaa sidaas yiri? Waxaan ku jawaabay : Rasuul Allow, aabahay iyo hooyaday baan kugu furane waan iri sidaa. Wuxuu yiri nabigu (S.C.W.) Ma awoodi kartid inaad ku socoto sidaas. Waa soomi kartaa hayeeshee waa inaad marna afurtaa seexo oo u kac (habeenii qayb ka mida haddi aad doonto salaatuleyl). Soon seddex maalmood bil walba qiimaha halkii samaanba waa toban laab, sidaasna waxay la mid noqon bishii oo la wada soomay, taasina waa sida adigoo weligaa sooman. Waxaan iri: Intaas ka badan baan awoodaa. Nabigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: Marka maalin soon laba maalmoodna afur. Waxaan iri: Ka badan baan awoodaa. Wuxuu yiri: " Waa hagaag, haddaba maalinna soon maalinna afur.Õ Sidaasi waa soonkii nabi Daawuud oo soon dhexdhexaad ah werin kale baa leh waa kan ugu fiican soon. Waxaan iri: Ka badan baan awoodaa. " Nabigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: Wax taa ka fiican ma jiro. Markii uu Cabdullaah duqoobay waxaa ii habboonaa buu yiri inaan maalintii yeelo taladii nabiga (S.C.W.) oo aheyd inaan saddex maalmood ka soomo bishii. Taa baana uga qiimo badnaan laheyd oo uu ka jeclaan lahaa maalka iyo carruurtiisa.

Werin kalena waxay leedahay: Nabigaa (S.C.W.) wuxuu yiri; Sida la sheegay maxaa ka jira inaad soonto maalin kasta, tukatana salaado sunno ah habeenkii oo dhan? Waan qirtay oo waxaan iri: Rasuul Alloow arrintaa waa jirtaa. Wuxuu yiri: " Ha yeelin sidaa. Soon oo afur; seexo una kac salaad. Maxaa yeelay jirkaagu xaq buu kugu leeyahay, oo ishaadu xaq bay kugu leedahay, oo xaaskaagu xaq bay kugu leedahay, oo martidaadu xaq bay kugu leedahay. Waxaana kugu filan inaad bil walba seddex beri ka soontid, maxaa yeelay samaan kasta ajarkeedu waa toban laab qiimo ahaan. Sidaa waxay le'eg tahay bil soonkeed, taasina waxay la mid tahay sannad dhan soomid. Cabdullaah wuxuu yiri: Marka anaa arrinta adkeeyey markaasaa la igu adkeeyey. Waxaan ku iri Rasuulkii Alle (S.C.W.) Waxaan dareemayaa xoog iyo adadkaan aan ku soomi karo intaas in ka badan. Wuxuu yiri: Marka soon soonkii Daawuud, nebigii Alle, waxna haku darin.Õ Waxaan weydiiyey: Sidee ahaa soonkii nabi Daawuud? Wuxuu yiri: Sannad barkiisuu ahaa)- soon maalin dhaaf ah. Markii uu gaboobey Cabdullaah wuxuu oran jirey: Alla bal maan yeelo sidii uu Nebigu (S.C.W.) igula taliyey (oo aheyd inaan dhexdhexaad ahaado soonka iyo salaadahaba).

Werin kalena waxay aheyd: Maxaa ka jira waxa la ii sheegay inaad soonto maalin kasta aad akhridana Qur'aanka oo dhammi habeen waliba? Waxaan iri: Waa run Rasuulkii Alloow (S.C.W.) waxaana taa ula jeedaa inaan khayr falo. Wuxuu yiri: Marka waxaad soontaa soonkii Daawuud, nabigii Alle. Maxaa yeelay isagaa dadka u cibaado badnaa. oo dhammee akhrinta QurÕaanka bishiiba mar. Waxaan iri: Nebi Alloow intaas ka badan baan awoodaa. Wuxuu yiri: Marka dhammee akhrintiisa mar labaatankii beriba. Waxaan iri Nabi Alloow intaas ka badan baan awoodaa. Wuxuu yiri; Haddaba dhammee akhrintiisa mar tobankii beriba. " Waxaan iri: Nabi Allow waxaan awoodaa intaas ka badan. Wuxuu yiri: ÔWaa hagaag haddaba dhammee akhrinitiisa todobaadkiiba mar. oo ha dhammeyn akhrintiisa waqtigaa ka hor. Marka anaa arrinta isku adkeeyey markaasaa la igu adkeeyey. Nebigu (S.C.W.) wuxuu igu yiri: " Ma ogid waa intaasoo aad cimri dheeraataa'. Sidii bay noqotay uu nabigu (S.C.W.) sheegay: in badan baan noolaa. Markii aan gaboobey baan garwaaqsaday inay ii wanaagsaneyd inaan yeelo taladii uu igula taliyey Nebiga (S.C.W.).

Werin kale baa waxay aheyd: Carruurtaadana xaqbay kugu leedahay.

Werin kale baa iyana waxay sheegeysaa: Ninkii weligi soomnaada soonba uma jiro (oo lagama aqbalayo). wuxuuna ku celceliyey hadalkaa seddex jeer.'

Werin kalena waxay aheyd: Alle kor ahaaye soon wuxuu ugu jecel yahay soonkii nabi Daawuud. salaadna wuxuu ugu jecel yahay salaaddii nabi Daawuud. Wuxuu nasan jiray qaybta hore ee habeenka, markaa kaddib kolkii saq dhexe la gaaro buu salaatuleyl (Tahajjud) tukan jiray seddex meelood meel habeenka (laga soo billaabo lex saac habeennimo illaa toban saac habeennimo), dabadeedna wuu seexan jiray lexmeeloodka meesha hartay oo dhan (labada saac ee ka hartay waaberiga). Sidoo kale waxaa caado u aheyd inuu u soomo maalin dhaaf. Weligina isuma jilcin (usuma dhiibin ama dhabar ma jeedin) markii ay la soo gudboonaato inuu la kulmo cadow gaalo).

Werin kale waxay iyaduna ahayd oo laga soo xigtay Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas: inuu Aabbihi u guuriyey gabar qoys wanaagsan ka dhalatay, iyo in aabbihi ay caado u aheyd inuu ka waraysto ninkeeda (Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas). Waxay oran jidhay waa nin fiican laakiinse sidii aan isu guursannay gogolna igulama seexan, ma uu feedinna tafteeda. Markii ay xaalkaa muddo taagneyd oo daba dheeraatay buu Cabdullaah Aabbihi la socodsiiyey arrinkaa Nebiga (S.C.W.) markaa buu Nabigu wuxuu yiri u sheeg wiilkaaga Cabdullaah inuu ii yimaado. Markii aan u imid nabiga (S.C.W.) buu wuxuu i weydiiyey sidee u soontaa? Waxaan iri: Waxaan soomaa maalin walba. Wuxuu haddana i weydiiyey inta ay igu qaadato dhammeynta akhrinta Qur'aanka? Waxaan ku jawaabay inaan habeen walba dhammeeyo. Dabadeedna wuxuu xusay xadiisyadii hore.

Markuu Cabdullaah ibn Camar gaboobay wuxuu yeeli jiray inuu u qaybiyo toddobada qaybood ee Qur'aanka qaar ka mida reerkiisa, si ay howsha uga fududaato habeenkii, sidoo kale markuu doonayo in looga gargaaro soonkiisa wuxuu yeeli jiri inuu maalmaha qaar wada afuro, intoo kalena ka soomo. Wuxuu nacayey inuu joojiya xaalkii nabigu kaga tahay (S.C.W.).

Imaam Nawawi wuxuu leeyahay axaadiistaan aan soo marnay oo dhan waa wada saxiix, badankoodna Bukhaari iyo Muslim baa dhigaya.

151. Abii Ribci Xandalah ibn Rabiic al-Usaydi, oo ka mid ahaa qoraayaashii iyo xoghayntii nabiga (S.C.W.) baa wuxuu sheegay in ay Abuu Bakar mar wada kulmeen Markaas buu Abuu Bakar ku yiri: Sidee tahay, Xandalah? Waxaan iri (aniga Xandalah ah) : Abuubakarow Xandala waa munaafaqoobey. Wuxuu yiri Abuu Bakar: subxaanallaah; maxaad tiri Xandalah? Xandalah wuxuu yiri (isagoo sharxaya sababta uu u munaafaqoobay): Abuu Bakarow markii aan Nebiga (S.C.W.) la joogno oo uu naarta iyo Jannada nooga sheekeeyo, waxaan noqonna sidii iyagoo noo muuqda., markii aan Nebiga (S.C.W.) ka ag tagnana oo aan ku mashquulno xaasaskayaga, carruurta, dhulalka, iyo beeraha iyo danaha adduun, markaana waan hilmaamnaa in badan oo ah wixii uu rasuulka innagu waaninayey. Abuu Bakar (A.K.R.) wuxuu yiri: Alle baan ku dhaartay, annagana sidaasoo kalaa na haysata. Markaa bay labaduba isku raaceen oo u galeen Nabiga (S.C.W.). Xandalah wuxuu yiri: Nebi Alloow Xandalah waa munaafaqoobey. Nebigu (S.C.W.) wuxuu weydiiyey waxa uu ula jeedo. Waxaan iri: Nabi Alloow markii aan kula joogno oo aad Jannada iyo naarta ka sheekaynaysid , waxaan noqonnaa sidii aan arkeyno jannadii iyo naartii oo ay inoo muuqdaan, isla markii aan agtaada ka tagnana waxaan ku mashquulnaa xaasaskayaga, carruurta, dhulalka, beeraha, iyo danahayaga adduun, dabadeedna waa aan hilmaamnaa in badan oo waanooyinkaaga ah. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Alle baan ku dhaaran oo ah kay naftaydu gacantiisu ku jidho, haddaad mar walba ahaan laheydeen sida aad tihiin marka aad ila joogtaan, oo aad xuseysaan Alle, malaaÕig baa soo degi laheyd si ay idiin gacan qaaddo markii aad joogtaan sariirihiinna iyo waddooyinkaba. Laakiinse Xandaloow (xaaladaha uu qofku ku sugnaan iimaanka sare oo sida aad noqotaan ah markii aad ila joogtaan) waa wax dhaca marmar. Wuxuu ku celceliyey kelmaddaas seddex jeer'. (Muslim)

152. Ibn Cabbaas (A.K.R.) Wuxuu yiri: Mar nebigoo (S.C.W.) noo khudbeenaya baa wuxuu arkay nin taagan (kuwii fadhiyey ee kulankaa soo xaadiray dhexdood). Dadkii buu ka wareystay. Waxaa loo sheegay in la yiraahdo Abuu IsraaÕiil. Wuxuuna nidrey oo uu ku dhaartay (baa la yiri) inuu taagnaanayo qorraxda oo uusanba fariisan doonin, oo harsan doonin oo uusan cidnana la hadli doonin, uuna soomo. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Fara inuu hadlo, harsado, oo fariisto, laakiin ha taam yeelo oo ha dhammeystiro soonkiisa.' (Bukhaari)

Back Home 

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

789015
Today
Yesterday
All days
1631
779
789015
2024-12-21 17:05

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6766f560d893c14682969141734800736
title_6766f560d8a801601678791734800736
title_6766f560d8b9d14356956501734800736
title_6766f560d8cb819064708281734800736
title_6766f560d8de671965661734800736
title_6766f560d8ef411108442171734800736

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6766f560da09718692828021734800736
title_6766f560da1b810021928571734800736
title_6766f560da2c820565077081734800736
title_6766f560da3d4943412491734800736

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com