ARBAIN NAWAWIY


arbain nawawi


 “لا يؤمن أحدكم حتى يحب لأخيه ما يحب لنفسه”

عن أبي حَمْزَةَ أَنسِ بنِ مالكٍ رضي اللهُ عنه خادِمِ رسولِ الله صلى الله عليه وسلم , عَنِ النَّبِي صلى الله عليه وسلم قال : [لا يُؤمِنُ أحَدُكُمْ حتى يُحِبَّ لأخِيهِ ما يُحِبُّ لِنَفْسِهِ

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ وَمُسْلِمٌ


XADIIS  13


Waxaa laga weriyay Abuu Xamsa Anas ibn Maalik (Allah ha ka raalli noqdee), oo ahaa adeegihii Rasuulka (scw):

”In uu ka weriyay Nebiga inuu yiri: Qofka iimaan kiisu dhab ma noqdo ilaa uu la jeclaado walaalki waxa uu naftiisa la jecel yahay.” [Bukhaari iyo Muslim].

Sharaxa: Xadiiska Seddex & Toban

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee iimaanka dhabta ku leeyahay bulshada Muslimka ah. Sida runta iimaanku waa saldhigga iskaashiga iyo xasilloonaanada bulshada laga bilaabo qoyska ilaa heerka dowladnimada, marka la yaab ma laha haddii Nebigeennu (scw) ku xiray iimaanka qofka inuu walaalihii la jeclaado waxa uu naftiisa u doonaayo, taasoo ah inaanu qofku xaasid ku noqon dadka walaalihiis, uusan ka xumaanin ama ku nicin haddii ay qof walaalki ah wax u kordhaan.

lsla markaa wuxuu xadiisku ina tusinayaa inaan qofku u qaadin walaalihi xumaato aanu naftiisa uga raalli aheyn. Mar haddii ay dadku is-jeclaadaan ilaahay dartii wey isku kalsoonaan karaan marka waxa halkaa ka dhalanaya iskaashi, wada-shaqeyn iyo wax wadaqabsi. “Tusaale ahaan” waxaad la jeceshahay naftaada caafimaad, maal badan, magac iyo sharaf, sidoo kale la jeclow dadka walaalahaa ah waxyaalahaas oo dhan.

FAA’IDADA XADIISKA

1. Ka dheeraanshaha xaasidnimada iyo xumaanta qalbiga lagu hayo;
2. In qofka iimaankiisak u xiran yahay waxa uu walaalihiisa muslimka ah qalbiga ugu hayo;
3. lnuu ka dhowro qofka dadka wixii aanu naftiisa u quureyn,
4. Inuu ku dadaalo waxyaalaha u soo jiidaaya jeceylka walaalihi, kana dheeraado wixii naceyb iyo colaad uga abuuraya qalbiga


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1703056
Today
Yesterday
All days
1481
1961
1703056
2026-05-06 17:45

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69fb7e2a636cd8034994901778089514
title_69fb7e2a6371d19602487521778089514
title_69fb7e2a637696902080671778089514
title_69fb7e2a637b421098435971778089514
title_69fb7e2a637fe5658055161778089514
title_69fb7e2a6384820329631111778089514

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69fb7e2a7c7b16442474461778089514
title_69fb7e2a7c80419234967411778089514
title_69fb7e2a7c85415206837491778089514
title_69fb7e2a7c8a14479134121778089514

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com