ARBICII AN-NAWAWIYAH
” إنما الأعمال بالنيات “
عن أَمِيرِ المُؤمِنِينَ أَبي حَفْصٍ عُمَرَ بنِ الخطَّابِ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ : سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم يَقُولُ:[إِنَّما الأَعْمَالُ بالنِّيَّاتِ وإنَّما لكُلِّ امْرِىءٍ ما نَوَى، فَمَنْ كانَتْ هِجْرَتُهُ إلى اللهِ ورَسُولِهِ فَهِجْرَتُهُ إلى اللهِ ورَسُولِهِ، ومَنْ كانَتْ هِجْرَتُهُ لِدُنْيا يُصِيبُها أو امْرأةٍ يَنْكِحُها فَهِجْرَتُهُ إلى ما هَاجَرَ إليه
رَوَاهُ إِمَامَا الْمُحَدِّثِينَ أَبُو عَبْدِ اللهِ مُحَمَّدُ بنُ إِسْمَاعِيل بن إِبْرَاهِيم بن الْمُغِيرَة بن بَرْدِزبَه الْبُخَارِيُّ وَأَبُو الْحُسَيْنِ مُسْلِمٌ بنُ الْحَجَّاج بن مُسْلِم الْقُشَيْرِيُّ النَّيْسَابُورِيُّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُمَا فِي “صَحِيحَيْهِمَا” اللذينِ هُمَا أَصَحُّ الْكُتُبِ الْمُصَنَّفَةِ
شرح الحديث مع فضيلة الشيخ عطية سالم رحمه الله
XADIIS 01
Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn al-Khaddaab Alla haka Raalli Noqdee inuu yiri:
[Waxaan maqlay Nebiga (scw) oo leh: Camalku waxaaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa, marka qofkii u hijrooday llaahay dartii iyo Rasuul kiisa wuxuu helayaa ajar llaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama gabar uu rabo guur keeda, isna waxaa lagu abaal marinayaa niyadiisa oo llaahay ka sugi maayo abaalgud]. [Bukhaari iyo Muslim]
Sharaxa: Xadiiska Kowaad
Niyadda waxaa looga jeedaa marka qofku shaqo qabanayo wuxuu ula jeedo ama u qasad leeyahay, marka niyaddu waa saldhigga camalka qofka muslimka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso, marka haddii niyaddu saafi tahay oo lilaahi loola jeedo, rasuulkii Allana howshaa lagu raad raacayo camalkii waa ansaxay haddiise wax kale lagu dheeho, ama aan rasuulkii lagu raad raaceyn, camalkii waa buray. Hijradu waxay ahayd in markii gaaladu haysatay Makka laga tagoo o lagu biro xarunta lslaamka ee Mediina, taana waxaa loola ieeday in qofku ka guuro meeshaa annu ku haysan inuu ugu dhaqmo Diinta Islaamka si xurriyad ah.
FAA’IDADA XADIISKA:
Wuxuu noo faa’ ideynaya xaadiiskani arrimaha soo socda:
Inaan camalku ansaxeyn niyad suubban la’aan.
In qofka laga abaalmariyo camalka uu niyad wanaag u falo, shareecadana waafaqsan’
Camalka Alle (sw) aqbalayo inuu yahay kan isaga dartii loo falay hagar la’aan, shareecadana waafaqsan.
Qofkii camalkii uu falay ee shareecada waafaqsana ku dara istus-tus ama uga gogol leh camalka adduunku hel, ama halagu a mmaano ee magac iyo maaldoon ah waxaa buraya ajarkiisa oo Illaahay waxba ka sugi maayo.
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix