Qodobka Todobaad (Tiirarka Islaamka)
J: haddaba, waa maxay tiirarka islaamka iyo usuushiisu?
C: Tiirarka islaamku waa shan:
In laqiro inuuna jirin wax xaq lagu caabudo, oon Alla ahayn, Muxammadna uu rasuul Alla yahay
In salaadda la oogo
In zakada la dhiibo
In ramadaanka la soomo
In ruuxii awoodaa ku xajiyo Al-baytal xaraam.
J: Iiga sheekee Salaadda?
C: Salaadu, islaamka waxay ku tahay xidhiidhka u dhexeeya addoonka iyo rabbigii, muslimkuna si toos ah, ayuu Alle cibaadada ugu gudan, oo uma baahna inuu u sii maro sheekh, imaam,qissiis, ama raahib…
J: waa maxay cibaadadan, ay muslimiintu sax u arkaan, alla agtiisana lagu aqbalo?
C: cibaadadaasi laba shardi bay leedahay:
In Alla oo qudha dartii loo guto, oo aan inna loola jeedin ha lagu arko, ama ha lagu maqlo, cibaadadana aan laga dhaxaysiinin Alla iyo cidkale, arrintaasoo shirki ah.
Waa inay waafaqsanaato dariiqii rasuulka ( sallalaahu calayhi wasalam ), oo aan laysaga gudanin kolba sidii larabo, ama naftuba doonayso, oo la eego siduu nabigu jideeyay, ee uu Alla ku caabudi jiray, laguna raaco, kol haduu Alla- subxaanahu- sidaa faray raalina ka noqday .
J: Waa laba shardi oo qurxoon, immisa marbayse waajibtaa salaadu, habeenkii iyo maalintii?
C: Shan mar, wayna u fududahay qofkuu Alla u fudeeyo, halkii salaad waxay qaadan shan ilaa toban daqiiqo, isu gayna waa wax ka yar hal saac, oo Alla leeyahay, mana badna kolkii loo eego hawl maalmeedka, loo qoondeeyay adduunyada, ee saacadaha badan loo huro, ee sidee buu ruuxu rabbigii ugala bakhayli xooggiisa.
J: Salaadu maxay tartaa?
C: Horta waa cibaado muslimku guto, oo uu Alle abaal wayn kaga helayo, wax tar wayna waa laga helaa, oo naftaa ku dahiranta, laabtaa ku faydanta, xaalkuna wuu ku samaadaa, faa’idooyin kale oo badanna way leedahay, layaabna malaha oo naftu khaaliqeeda iyo mawlaheeday ku xidhmi, oo salaadda iyo iimaanka iyo cibaadaduba guud ahaan, quud bay ruuxda u yihiin.
J: Maxaa loola jeedaa quudka ruuxda?
C: Jirku baahi wayn buu u qabaa cunno iyo cabidba, waase inay labaduba fayawyihiin, oo haddii jidhka la siiyo quud sumaysan, ama waqtigiisu dhacay wuu ku sumoobaa, kuna dhibboodaa, kuna dhintaa.
Sidaasoo kalay, arwaaxduna ugu baahantahay quud fayaw, illayn haddii la siiyo quud xumaaday, aad bay ugu rafaadi. nafa badan oon baran quudka fayaw ee ruuxdu ubaahantahay ayaa ku nool walwal, silic, iyo ruux maran, in badanna waxay isku dayaan inay nafta la cidloobaan, oo ay bal ka fikiraan aayahooda iyo halkuu ku danabayn doono, iskuse dayi maayaan inay ka fikiraan bacthiga3 iyo nushuurka4. Iyo maalinta aakhiro, oo saacada dhaadheer oo dhib iyo hawla, ayay adduunyada galin, haduu waqti usoo hadhana, waxay ku buuxiyaan wax runta ka dheer, oo ah khamro cabbid iyo inay iska muquurtaan danbiyo kale oo xun-xun, haddanase wali ruuxdii way sii haawan, kolkaasaa waxa ku habsan walaac iyo qaadiro, gaarsiisa xaalad daran, oo uu geerida ka door bido nolosha, qudhana iskaba jaro.
Ibtiladani waxay ku badan tahay duulka aan Alla rumaysnayn. Ruuxda quudkeeda saxa ahi waa in Alla –subxaanahu- lagula xiriiro cibaadada, maadaama qofka raaxadiisu iyo nafta deggenaanshaheedu ku yimaadaan cibaadada, xiriirinta dadka, ixsaanka, dhawrsoonida, waxa san samaytiisa iyo waxa xun dayntiisa, oo salaadda iyo ku xirnaanshaha Alle nafta waxay ka dhigi inay noolaato iyadoo liibaansan, dhimatana iyada oo ammaanan, laguna soo bixiyo xaaladda ugu fiican.
J: Muxuu ruuxu fali kolkuu doonayo inuu tukado?
C: Dahaarada iyo nadaafadu waa u lama huraan salaadda, nadaafada iyo nijaas iska jiriddaba islaamku wuu ku booriyay, nadaafaddu waa laba nooc: mid macnawi ah iyo mid xisi ah. Ta hore waa inuu qalbigu ka dahirnaado shirkiga, nifaaqa, naca, xasadka iyo karaahiyada loo hayo kuwa Alle jecel yahay.
Ta xisiga ahina waa in badanka (jidhka) iyo dharka, cunnada iyo cabbidu nadiif wada yihiin, oo islaamku wuxuu amray waysaysi, oo ah in la dhaqo wajiga, gacmaha, cagaha iyo madaxa oo si gaara loo masaxo, sidaasoo kale waa inuu iska dahiro kaadida iyo saxarada, oo ah inuu labada jid-ee wax soo maraan ku nadiifiyo biyo ama warqad daahir ah, ama labadoobaba uu isku daro, (ama wixii kalee u eg) si dahaarada loogu feejignaado, waa inayna wasakhdaasi dharkiisa gaadhin, si uu ugu jiro xaaladda ugu daahirsan.
Haddana islaamku wuxuu ku dhiiri galiyay in loo qabaysto salaadaha jimcada iyo labada ciidood, wuxuuna waajibiyay in laga maydho jimaaca iyo soo bixidda manida iyo xaalado kale, illayn sidaasaa nashaad iyo daahirnimo badane. Islaamku wuxuu diiday in la cuno wax nijaas ah, illayn jirkuu dhibaa, cudurrana dhaxal siiyaaye, wax walbaana inuu daahir ahaado ayuu islaamku ku dhiirigaliyaa.
J: Hadana maxaa salaadda loo shardiyaa?
C: Muslimiinta oo dhan, waxa ku waajib ah inay qiblada usii jeedsadaan kolakay tukanayaan, qibladuna waa in loo sii jeedsado kacbadii Ibraahiim iyo wiilkiisii Ismaaciil ay aasaaskeeda kor yeeleen (calayhimaa as-salaam).
Sidaa darteed kacbadu waa qiblada muslimiinta halkay doonaanba ha joogeene, xitaa kolkay ku tukan (Masjid Al-Xaraamka ) ee Makka ku yaalla, dadku kacbaday dhinac walba iskaga soo weegaari, iyadayna wada qaabili, maadaama alla sidaa amray, oo ilaahoodu waa waaxid, qibladooduna waa waaxid, salaada faralka ah kolkay iimaamka ku daba tukanna, rukuucdooda, sujuudooda, sara joogooda iyo fadhigooduba- intaas oo idil waa waaxid xittaa, waqtiga xajka iyo habeenada ramadaanka, baytkan wayn waxa isugu iman in ka badan laba milyan oo muslimiin ah, oo salaadda si qura u wada gudan: taagnida, fadhiga, rukuucda, sujuudda, Qur’aan akhriska iyo xuska Alle. Arrinkaasoo caddayn sida islaamku uugu dadaali in acmaashu isugu timaado daacadda, la iskuna baraarujin inay habboontahay inay quluubta iyo niyadu ahaadaan kuwa isugu yimaada daacadda Alla.
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix