وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّى جَاعِلٌۭ فِى ٱلْأَرْضِ خَلِيفَةًۭ ۖ قَالُوٓاْ أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ ٱلدِّمَآءَ وَنَحْنُ نُسَبِّحُ بِحَمْدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَ ۖ قَالَ إِنِّىٓ أَعْلَمُ مَا لَا تَعْلَمُونَ ﴿٣٠﴾

Xus markuu Allaah ku yidhi Malaa'igta waxaan yeeli Dhulka cid u hadha, oyna dheheen ma waxaad yeeli dhexdeeda cid fasahaadisa oo kudaadisa dhiig annagoo ku wayneynayna markaasuu yidhi anigu waxaan ogahay waxaydaan ogayn.

وَعَلَّمَ ءَادَمَ ٱلْأَسْمَآءَ كُلَّهَا ثُمَّ عَرَضَهُمْ عَلَى ٱلْمَلَٰٓئِكَةِ فَقَالَ أَنۢبِـُٔونِى بِأَسْمَآءِ هَٰٓؤُلَآءِ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ ﴿٣١﴾

Allaah wuxuu baray Nabi Aadam magacyada dhammaan, markaasuu Alle u bandhigay malaa'igta kuna yidhi'iiga warama magacyada kuwaas hadaad runlowtihiin.

قَالُواْ سُبْحَٰنَكَ لَا عِلْمَ لَنَآ إِلَّا مَا عَلَّمْتَنَآ ۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْحَكِيمُ ﴿٣٢﴾

Waxayna dheheen nasahnidaada Allow, cilmi malihin waxaad na barto mooyee waxaad tahay adigu wax cilmi badane xikmad badan.

قَالَ يَٰٓـَٔادَمُ أَنۢبِئْهُم بِأَسْمَآئِهِمْ ۖ فَلَمَّآ أَنۢبَأَهُم بِأَسْمَآئِهِمْ قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ إِنِّىٓ أَعْلَمُ غَيْبَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَأَعْلَمُ مَا تُبْدُونَ وَمَا كُنتُمْ تَكْتُمُونَ ﴿٣٣﴾

Wuxuuna yidhi Alle Aadamow uga warran magacyadooda, markuu magacyadooda uga warramay ayuu Alle yidhi miyaanan idin ku dhihin anigu waxaan ogahay waxa ku maqan Samooyinka iyo dhulka waxaan kaloo ogahay waxaad muujinaysaan iyo waxaad qarsanaysaan.

وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَٰٓئِكَةِ ٱسْجُدُواْ لِءَادَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبْلِيسَ أَبَىٰ وَٱسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ ٱلْكَٰفِرِينَ ﴿٣٤﴾

Xus markaan ku nidhi Malaa'igay u sujuuda Aadam, markaasay usujuudeen Ibliis mooye, wuu diiday wuuna iskibriyay, wuxuuna ka midnoqday galaada.

وَقُلْنَا يَٰٓـَٔادَمُ ٱسْكُنْ أَنتَ وَزَوْجُكَ ٱلْجَنَّةَ وَكُلَا مِنْهَا رَغَدًا حَيْثُ شِئْتُمَا وَلَا تَقْرَبَا هَٰذِهِ ٱلشَّجَرَةَ فَتَكُونَا مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ ﴿٣٥﴾

Waxaana nidhi Aadamow dag adiga iyo Haweenaydaadu janada, kana cuna xageeda (cunno) shifo oo waasac ah meeshaad doontaan hana u dhawaanina geedan oo markaas aad kamid noqotaan daalimiinta.

فَأَزَلَّهُمَا ٱلشَّيْطَٰنُ عَنْهَا فَأَخْرَجَهُمَا مِمَّا كَانَا فِيهِ ۖ وَقُلْنَا ٱهْبِطُواْ بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّۭ ۖ وَلَكُمْ فِى ٱلْأَرْضِ مُسْتَقَرٌّۭ وَمَتَٰعٌ إِلَىٰ حِينٍۢ ﴿٣٦﴾

Waxaana ka fogeeyey xagooda Jannada shaydaan wuxuuna ka bixiyey waxay ku sugnaayeen, waxaana ku nidhi ka hoobta Jannada, qaarkiinna dhulka idiinku sugnaaday meel aad ku nagaataan iyo raaxo tan iyo waqti.

فَتَلَقَّىٰٓ ءَادَمُ مِن رَّبِّهِۦ كَلِمَٰتٍۢ فَتَابَ عَلَيْهِ ۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ ﴿٣٧﴾

Waxuuna kala kulmay Aadam xagga Alle kalimooyin, wuuna ka toobad aqbalay Allena waa toobad aqbal badane waana naxariiste.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1817748
Today
Yesterday
All days
1550
2878
1817748
2026-06-27 20:15

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a402f794c72710812214901782591353
title_6a402f794c7762977416911782591353
title_6a402f794c7c111343086141782591353
title_6a402f794c80c20259578861782591353
title_6a402f794c8556946426371782591353
title_6a402f794c87f5794637541782591353

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a402f796178e1321788101782591353
title_6a402f79617de19071222461782591353
title_6a402f796182e5551978221782591353
title_6a402f796187816790188021782591353

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com