وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَبِٱلْيَوْمِ ٱلْءَاخِرِ وَمَا هُم بِمُؤْمِنِينَ ﴿٨﴾

Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi waxaan rumeynay Allaah iyo maalintii dambaysay (Qiyaamada) haddana aan Mu'miniin ahyn.

يُخَٰدِعُونَ ٱللَّهَ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَمَا يَخْدَعُونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمْ وَمَا يَشْعُرُونَ ﴿٩﴾

Waxay khiyaameyn Allaah iyo kuwa (Xaqa) rumeeyey mase khiyaameynayaan waxaan naftooda ahayn mase dareemayaan.

فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌۭ فَزَادَهُمُ ٱللَّهُ مَرَضًۭا ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌۢ بِمَا كَانُواْ يَكْذِبُونَ ﴿١٠﴾

Quluubtay ka bukaan markaasaa Allaah u siyaadiyay Cuduro waxayna mudan Cadaab daran Beentoodii Darteed.

وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ لَا تُفْسِدُواْ فِى ٱلْأَرْضِ قَالُوٓاْ إِنَّمَا نَحْنُ مُصْلِحُونَ ﴿١١﴾

marka lagu yiraahdo dhulka ha fasahaadinina waxay dhahaan annagu waxaanu nahay muslixiin.

أَلَآ إِنَّهُمْ هُمُ ٱلْمُفْسِدُونَ وَلَٰكِن لَّا يَشْعُرُونَ ﴿١٢﴾

Iyaga unbaa mufsidiin ah hasa yeeshee ma dareemayaan.

وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ ءَامِنُواْ كَمَآ ءَامَنَ ٱلنَّاسُ قَالُوٓاْ أَنُؤْمِنُ كَمَآ ءَامَنَ ٱلسُّفَهَآءُ ۗ أَلَآ إِنَّهُمْ هُمُ ٱلسُّفَهَآءُ وَلَٰكِن لَّا يَعْلَمُونَ ﴿١٣﴾

Marka lagu yiraahdo rumeeya sida Dadku u rumeeyey waxay dhahaan ma waxaannu u rumayn sida sufahada (Caqli gaabka), waxaase sufaha ah iyaga laakiin ma oga.

وَإِذَا لَقُواْ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَوْاْ إِلَىٰ شَيَٰطِينِهِمْ قَالُوٓاْ إِنَّا مَعَكُمْ إِنَّمَا نَحْنُ مُسْتَهْزِءُونَ ﴿١٤﴾

Markay la kulmaan kuwa (Xaqa) ru-meeyey waxay dhihi waan rumaynay, markay la kaliyoobaan shaydhaamadoodiina waxay dhahaan annagu waan idinla Jirraa, ee waxaan ahayn uun kuwa ku jees jeesa (Mu'miniinta).

ٱللَّهُ يَسْتَهْزِئُ بِهِمْ وَيَمُدُّهُمْ فِى طُغْيَٰنِهِمْ يَعْمَهُونَ ﴿١٥﴾

Allaah ayaa ka abaal marin Jees jeeska, wuxuuna u siyaadin kibirkooda iyo Baadidooda, iyagoo ku dhexwareeri.

أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱشْتَرَوُاْ ٱلضَّلَٰلَةَ بِٱلْهُدَىٰ فَمَا رَبِحَت تِّجَٰرَتُهُمْ وَمَا كَانُواْ مُهْتَدِينَ ﴿١٦﴾

Kuwaasi waxay ku gateen baadidda hanuunka, mana ribxin oo ma (faa'iidin) ganacsigoodu mana hanuunsana.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1703851
Today
Yesterday
All days
243
2033
1703851
2026-05-07 02:56

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69fbff4c6025d17000351481778122572
title_69fbff4c602d06199085121778122572
title_69fbff4c6033715057989081778122572
title_69fbff4c6039e3957005831778122572
title_69fbff4c6040121249453221778122572
title_69fbff4c6046610439841371778122572

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69fbff4c807e615501986681778122572
title_69fbff4c808378919721001778122572
title_69fbff4c808843121860591778122572
title_69fbff4c808d010322169371778122572

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com