SALAADDA QOFKA WAX UU ISKU DAAHIRIYO WAAYA:

 Qofka aan biyo iyo ciid midna haysanin, waxa u bannaan inuu xaalad kasta oo uu ku jiro iska tukado intuu labadaa midkood helayo, loomana baahna salaaddihii uu xaaladaa ku tukaday inuu mar labaad ku celiyo oo soo bedo. Arrintanu waxay ku salaysan tahay Xadiiska Hooyo Caa’isha (Ihkra) laga soo weriyey inay tidhi: “Asmaa' ayaan dahab ka amaanaysatay. Dahabkii ayaa iga go’ay oo lumay. Rasuulkii Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaa Asxaabtii rag ka mid ah u diray inay dahabkii raadiyaan. Waqtigii salaaddu markuu soo galayna Asxaabtii waxay ku tukadeen weyso la'aan. Markii ay Rasuulkii dejiyay soo   Ilaahay ayuu arrintaa sheegeen u  Alle Aayadda gagabaysiga. Usayd bin Xudayr ayaa kolkaa Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam ku yidhi: “Ilaahay khayr ha kaa abaal mariyo. Wallaahi markii arrini kula kulantoba Ilaahay wuxuu kuu furaa wado, Muslimiintana wuxuu uga dhigaa arrinkaa barako iyo khayr. Asxaabtaasu waxay tukadeen weyso la'aan markay waayeen wax ay isku daahiriyaan. Markay Rasuulkii Alle Salallaahu caleyhi wasalam u sheegeenna muu inkirin camalkoodii kumanuu amrin inay salaaddii ku celiyaan.” (Muslim ayaa soo weriyey). Imaam An-Nawawi wuxuu yidhi daliil arrintaa ku soo arooray kanaa ugu xoog badan.

 XAYDKA : Xaydku waa dhiigga caadi ahaan dumarka uga yimaada iyadoo aanu xanuun ku dhicin dhalmona imanin. Culimada intooda badani waxy sheegeen in aanuu haweenka ku bilaabmi karin wixii ka horeeya sagaal jirka tirada dayaxa ah (tiro dayaxeedka). Muddadiisa: Mudada uu xaydku socdo wax waqti ah oo ay Diintu u xadiday ma jiro. Hase yeeshee, gabadh waliba iyadaa taqaan muddadeeda caadi ahaan uu kaga joogsado. Dhiigga ka yimaada gabadh yar oo aan wali sagaal jir gaadhin looma arkayo inuu yahay dhiigii caadada ee waa dhiig dhaawac ama xanuun ku yimi. Wuxuu xaydku socon karaana ilaa cimriga qofka aakhirkiisa. Waayo ma jiro daliil u xadidaya waqti go’an. Sidaas darteed, islaan (habar) gabowday haddii ay dhiig isku aragto waxa loo ictiqaadayaa inuu yahay dhiigii xaydka. Midabkiisa: Dhiigga xaydku waa inuu yeesho midab ka mid ah midabyada soo socda: Madow: Fadimah bint Abii Xabiish ayaa dhiigga xaydku ku dheeraaday. Markaasuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ku yidhi: “Haddii uu kii xaydka yahay waa madow, waana la garan karaa. Haddii uu noocaa yahay salaadda ha tukan. Haddii uu nooc kale yahayna weysayso oo tuko waa dhiig xidid ka yimide.” (Abuu Daa’uud, anNasaa’i iyo Ibnu Xibbaan ayaa soo weriyey, iyo ad-Daaraqudni oo yidhi dadka laga soo xigtay dhammaan waa lagu kalsoon yahay, iyo al-Xaakim oo yidhi waa ku Saxiix qiyaasta Muslim).

 Cassaan: Waana dhiigga midabkiisa assalka ah. Asfar: Ama midab huruud ku dhow. Cawlaan: Midab madow iyo caddaan u dhexeeya oo midabka dhoobada ku dhow. Calqamah Ibnu Abii Calqamah wuxuu ka soo tebiyay hooyadii Murjaanah oo ahayd addoontii ay Caa’isha xoraysay inay tidhi: Haweenku waxay Caa’isha (Ihkra) uu diri jireen shandado uu ku jiro cudbi (suuf) dhiig asfar ahi ku yaalo. Markaasay odhan jirtay: “Ha degdegina ilaa aad aragtaan cudbiga oo cad oo aan dhiig lahayn.” (Maalik  iyo Muxammad bin al-Xasan ayaa soo weriyey, iyo al-Bukhaari oo hab mucallaq ah ku soo weriyey).

Midabka asfarka iyo cawlaanka waxa loo ictiqaadayaa inay yihiin dhiigii xaydka haddii ay haweenku isku arkaan maalmihii caadi ahaan uu dhiigga xaydku ka socon jiray. Haddii kale noqon maayo dhiigii xaydka. Ummu Cadiyah (Ihkra) waxay tidhi: “Markaanu xaydka ka maydhano dabadeed haddii aanu midabka asfarka ama cawlaanka ah isku aragno waxba kamaanaan soo qaadi jirin.” (Abuu Daa’uud ayaa soo weriyey iyo al-Bukhaari oo aan isagu sheegin erayga maydhashada dabadeed).

Muddadiisa: Ma jiro waqti go’an oo u xadidan xaydka ha yaraado hase badnaadee. Wax xujo lagu oogi karo oo arrintaa ku soo aroorayna ma jiraan. Haddii ay haweenay leedahay waqti caado ahaan iyada u gaar ah way ku camal falaysaa. Ummu Salamah (Ihkra) ayaa Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ka warsatay gabadha xaydku ku dheeraado. Wuxuu yidhi: “Waxay eegaysaa habeenada iyo maalmaha uu ka socon jiray iyo meeshay bisha kaga beegnaayeen. Maalmahaa salaadda way dhaafaysaa. Markay maydhatana1 mashbaqad (suuf iwm.) intoo ay xidhato ayay tukanaysaa.” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey at-Tirmidi mooyee).

Haddii aanay waqti u caado ah haweenaydu lahayn waxay la soconaysaa midabyada kala nooca ah ee dhiigga. Sidaa waxa caddaynaya Xadiiska aan hore u soo sheegnay ee Faadimah bint Abii Xabiish laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii uu dhiigii xaydka yahay waa madow waana la garan karaa.” Halkaa waxa ku cad in dhiigga xaydka laga sooci karo dhiigga kale, haweenkuna ay aqoon u leeyihiin. Muddada labada xayd u dhexaysa: 1 Waxay ka maydhanaysaa markay dhamaato muddadii caadada u ahayd.  

Culimadu waxay isku waafaqday in aanu jirin waqti la odhan karo waa waqtiga ugu dheer ee labada xayd u dhexeeya. Hase yeeshee, waxay isku khilaafeen waqtiga ugu gaaban ee labada xayd u dhexeeyaa intuu yahay. Qaar waxay yidhaahdeen shan iyo toban maalmood. Qaarna waxay yidhaahdeen saddex iyo toban maalmood. Laakiin ma jiro daliil xujo lagu oogi karo oo arrintaa ku soo arooray.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

947901
Today
Yesterday
All days
1093
1008
947901
2025-04-04 18:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_67f02ae909d161478678561743792873
title_67f02ae909df110981121551743792873
title_67f02ae909ebf14873730841743792873
title_67f02ae909f8e39141621743792873
title_67f02ae90a0632425884141743792873
title_67f02ae90a12e5726294321743792873

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_67f02ae90addb12973995281743792873
title_67f02ae90aeaa11279705461743792873
title_67f02ae90af7619685487771743792873
title_67f02ae90b04e669157151743792873

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com