GAGABAYSI GOORMAA LA OGOL YAHAY:
Wuxuu qofku gagabaysan karaa isagoo safar ah ama gurigiisa jooga, haddii ay arrimaha aan hoos ku tixi doonno qaarkood ku dhacaan.
b) Haddii biyo la waayo, ama ay biyuhu yar yihiin: Cimraan bin Xusayn waxa laga soo weriyey inuu yidhi: Maalin uu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam na tukiyey anagoo safar ah, ayaa nin ku soo biiri waayay salaaddii. Markuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam salaaddii dhameeystay ayuu ninkii waydiiyey “Maxaa kuu diiday inaad nala tukato? Ninki wuxuu ugu jawaabay, xalaan isku junuunay biyona waan waayey. Rasuulka Alle wuxuu yidhi: “ Gagabaysi ayaa kaaga filan.” (Al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey). . Abii Darr (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku yidhi: “Qofkii aan biyo haysanin carrada ayaa dahaaro u ah ilaa toban sanno.” (Asxaabta Sunanka ayaa soo werisay, at-Tirmidina wuxuu yidhi waa xasan Saxiix). . Hase yeeshee, intaanu qofku gagabaysan waa inuu raadiyo kuna dedaalo siduu biyo u heli lahaa intuu karaankiisu yahay. Haddii uu markaa qofku ka quusto ogaadona in aanay biyo u dhowayn raadinta wuu joojinayaa waanuu gagabaysanayaa ilaa intuu biyo helayo. t) Haddii qof nabar ku dhaco: Gagabaysigu wuxuu inoo bannaan yahay oo kale haddii uu qof nabar ku dhaco ama bukaan kaleba, loogana baqo inay biyaha weysadu ama qusulku ay xanuunka kordhiyaan ama bogsiinta dib u dhigaan. Inay weysadu xanuunka siyaadinayso ama bogsiinta nabarku bogsan lahaa ay dib u dhigayso waa inay ahaato arrin dhakhtar ama dad waaya aragnimo arrintaa u lihi ay ku taliyeen. Sidaas waxa inoo caddaynaya Xadiiskan Jaabir (Ihkra) laga soo weriyey inuu yidhi: “Mar aanu safar u baxnay ayaa nin naga mid ah dhagax ku dhacay oo uu madaxa nabar ka gaadhsiiyey. Ninkii ayaa hebeenkii isku junuunay, markaasuu Asxaabtii ku yidhi: “Rukhso inaan gagabaysto ii fasaxaysa ma haysaan?” Waxay yidhaahdeen: “Maya. Maadaama aad biyo helayso. Saxaabigii ayaa maydhay isla markiina wuu geeriyooday. Jaabir (Ihkra) wuxuu yidhi: Markii arrintaa Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam loo sheegay wuxuu yidhi: “Way dileen Alla ha dilee, may warsadaan hadaanay aqoon u lahayn, aqoon la'aanta waxa u dewo ah waraysiga (la tashiga) waxa ku fillaa inuu gagabaysto oo uu maro yar ku duubo nabarka dabadeetana korka ka masaxo, jidhka inta kalena biyo ku maydho1 .” (Abuu Daa'uud, Ibnu Maajah iyo ad-Daaraqudni ayaa soo weriyey, iyo Ibnu Sakni oo saxixay). j) Haddii ay biyuhu aad u qabaw yihiin: Haddii ay biyuhu aad u qabow yihiin oo uu qofku ka baqo inay wax yeelaan, isla markaana waayo wax uu biyaha ku diiriyo, ama aanu xamaamka dadweynaha ka dhexeeya tegi karin, way u bannaan tahay inuu qofkaasu gagabaysto. Sidaa waxa inoo caddaynaya Xadiis laga soo weriyey Camr bin al-Caas (Ihkra) inuu yidhi: “Markii la ii diray qazwaddii Dul-Salaasil habeen aad u qaboobaa ayaan isku junuunay. Markaasaan ka baqay haddaan maydho in aan dhinto. Intoo aan gagabaystay ayaan Asxaabtii salaad Subax tukiyey. Markii aanu Rasuulkii u nimi ayay Asxaabti arrintii u sheegeen. Wuxuu Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam ku yidhi Camr binul Caas: “Camrow adigoo jinaabaysan miyaad Asxaabta tukisay? “Camr wuxuu yidhi: Waxaan xasuustay Qawlka Alle ee ah: Hana dilina naftiina Ilaahay waa kii idiin naxariis badane markaasaan gagabaystay.” Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam wuu dhoola caddeeyay waxna kamuu odhanin arrintaa.” (Waxa weriyey Axmad, Abuu Daa’uud, .
Nasrud-Diin al-Albani wuxuu tilmaamay inuu xadiisku Xasan yahay. Hase yeeshee, Xadiiska intiisa ugu dambaysaa waa daciif, marka laga bilaabo: “oo uu maro yar ku duubo nabarka dabadeetana korka ka masaxo, jidhka inta kalena biyo ku maydho.” (Eeg Buluuq al-Maraam). al-Xaakim, ad-Daaraqudni, Ibnu Xibbaan iyo al-Bukhaari oo isagu ku soo weriyey hab mucallaq ah).Waxa halkaa ku cad inuu Rasuulka Alle arrintaa u qiray Camr Ibnul Caas wixii uu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam qiraana waa sharci. x) Haddii ay baqdini jirto: Haddii ay biyuhu dhow yihiin hase yeeshee, uu qofku u baqo naftiisa, reerkiisa ama hantidiisa iwm,. Haddii uu qofku biyaha gaadhi kari waayo, sababtoo ah cadow uu ka baqayo (dad ama dugaag) oo biyaha ka horjoogsaday dartood. Haddii uu qofku maxbuus yahay, ama waayo wax uu biyaha ceelka ama meeshay ku jiraan kaga soo saaro (waadaan, dawlis iwm.).
Dhammaan arrimahaasu waxay la mid yihiin iyadoo biyaha la waayey. Dadkay arimahaasu la kulmaanna way u bannaan tahay inay gagabaystaan. Sidoo kale, waxa lamid ah iyana haddii uu qof ka baqo in lagu eedeeyo wax uu bari ka yahay (wax aanu falin). Tusaale: Qof seexday gurigii saaxiibtii oo isku junuunay kana baqay inuu saaxiibkii ka shakiyo inuu xaaskiisa fara xumeeyay haddii uu maydho. Qofkaa isagana way u bannaan tahay inuu gagabaysto.
kh) Haddii ay biyuhu yaraadaan: Haddii ay biyuhu yaryihiin oo loo kaydsanayo cabbitaan (dad ama xoolo), raashin kariskii, ama loo kaydsanayo in layskaga maydho nijaas culus (qusul), way bannaan tahay in la gagabaysto oo biyaha yar la kaydsado. Imaam Axmad wuxuu sheegay “Inay Asxaab badani gagabaysan jireen si ay u kaydsadaan biyaha yar ee ay haystaan.” Sidoo kale, Cali (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Haddii uu qof musaafir ahi isku junuuno, kana baqo haddii uu qusul sameeyo inuu ka haraado biyaha yar ee uu sito, waxa u bannaan inuu gagabaysto oo aanu maydhanin.” (Ad-Daaraqudni ayaa soo weriyey).
Ibnu Taymiyah wuxuu yidhi: “Qofkii kaadi ama saxaro hayso ee biyuhu ku yar yihiin waxa fadli badan intii uu tukan lahaa isagoo kaadi ama saxaro isku xejinaya, inuu musqusha isticmaalo oo uu gagabaysi ku tukado.”
d) Haddii laga baqo inay salaaddu ku dhaafto: Haddii uu qof haysto biyo uu ku weysaysto ama ku maydho hase yeeshee, uu ka baqo inuu waqtigii salaaddu dhaafo intuu weysaysanayo ama maydhanayo, waxa u bannaan qofkaa inuu gagabaysto oo uu salaadda ka gaadho intaan waqtigeedi dhaafin. Lagumana laha qofkaa inuu salaaddaa tukado mar kale ama soo bedo.
r) Ciidda (carrada) gagabaysiga: Dhammaan ciid kasta oo nadiif ah iyo dhammaan wixii dhul loo nisbeeyo sida dhagaxa, dhoobada iyo niista intaba waa lagu gagabaysan karaa. Sidaa waxa caddaynaya qawlka Alle ee ah: Ku gagabaysta carro wanaagsan (An-Nisaa'a: 43). Culimada afka carabidu waxay isku waafaqeen inuu erayga carro macnihiisu yahay wax kasta oo dhul loo nisbeeyo ha ahaado ciid, dhagax, dhoobo, niis iwm,.
s) Sidee loo gagabaystaa:
1) Waxa waajib ah marka hore inuu qofku niyeeyo inuu gagabaysanayo. Niyadda waxaan hore ugu sharaxnay baabka weysada waana farad.
2) Bisinka in la qabsado (lagu bilaabo).
3) Baabacooyinka oo carrada lagu dhirbaaxo ama lagu masaxo (duugo).
4) Baabacooyinka in wajiga la mariyo, gacmaha oo ilaa xusulada ahna laga daba mariyo. Sidaas weeye gagabaysiga saxa ah ee laga soo weriyey Cammaar (Ihkra) inuu yidhi: “Habeen aan isku junuunay anigoo aan biyo haysanin ayaan carrada ku gelgelimastay (isku rog-rogay) oo aan tukaday. Arrintaa markii aan Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam u sheegayna wuxuu yidhi: “Sidan ayaa kugu fillayd. Intuu Nebigu baabacooyinkiisa ciidda ku dhirbaaxay (duugay) oo boodhka ka afuufay, ayuu wejigiisa iyo gacmihiisa ku masaxay.” (Al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey).
Lafdi kalena wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Waxa kugu fillayd inaad baabacooyinka ciidda ku dhirbaaxdo (duugto) oo aad boodhka ka afuufto dabadeetana wejiga iyo gacmaha oo ilaa xusulada ah aad ku masaxdo.” (Ad-daaraqudni ayaa soo weriyey).
Sida Axadiistaa inooga cad, mar keliya oo baabacooyinka dhulka lagu dhirbaaxo ayaa qofka ku filan iyo baabacooyinka oo wejiga iyo gacmaha lagu masaxo. Sunnuhuna wuxuu yahay inuu qofka gagabaysanayaa ciidda ka afuufo baabacooyinka si uu boodhka wejigiisa uga dhawro.
sh) Maxaa u bannaan qofka gagabaysta: Gagabaysigu wuxuu u dhigmaa weysada marka biyo la waayo. Sidaas darteed, dhammaan wixii u bannaan qofka weysa qaba way u bannaan yihiin qofkii gagabaysta, sida salaadda, taabashada kitaabka Qur'aanka ah iwm,. Gagabaysi keliya waxa lagu tukan karaa dhowr salaadood oo farad ama Sunne ah ilaa intaan gagabaysigu jabin. Waayo xukunka gagabaysigu waa xukunka weysada oo kale. Sidaa wuxuu Rasuulku inuugu caddeeyay Xadiis Abii Darr (Ihkra) laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Ciiddu Muslimka waa u dahaarad, haddii uu biyo waayo ilaa mudo toban sano ah. Markuu biyo helana waa inuu bishaaradaa khayrka ah hantiyo oo ku weysaysto kuna maydho.” (Axmad ayaa soo weriyey iyo at-Tirmidi oo yidhi waa Saxiix).

dh) Maxa jebiya gagabaysiga: Dhammaan wixii weysada jebiyaa (buriya) way jebinayaan gagabaysiga, waayo labadu way isu dhigmaan. Waxa intaa dheer haddii biyo la helo ama wixii biyaha lagu soo saari lahaa (sida dawlis) oo aan markii hore la haysanin la helo, gagabaysigi wuu jabayaa. Laakiin qofkii salaad gagabaysi ku tukada ee markuu salaadda dhameeysto biyo hela ama wixii biyaha lagu soo saari lahaa hela salaaddaa mar labaad kuma celin maayo xattaa haddii uu salaadda waqtigeedi wali joogo. Abaa Saciid al-Khuduriyi waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Laba nin ayaa safar u baxay markaasay salaaddi soo gashay iyagoo aan biyo haysanin. Intoo ay gagabaysteen ayay tukadeen. Iyadoo wali waqtigii salaaddaasu joogo ayay labadii nin biyo heleen. Midkood intuu weysaystay ayuu salaaddii mar labaad tukaday. Ninkii kalena salaaddii kumuu celin mar labaad. Markay Rasuulkii Alle Salallaahu caleyhi wasalam u yimaadeen ee ay arrrintii u sheegeen wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam ku yidhi ninkii aan salaaddii mar labaad tukanin: “Sunnihii ayaad asiibtay salaaddii hore ayaana kugu filan.” Ninkii weysaystay ee salaaddii ku celiyayna wuxuu ku yidhi: “Laba ajar ayaad leedahay.” (Abuu Daa’uud iyo an-Nasaa’i ayaa soo weriyey). Hase yeeshee, qofkii isagoo gagabaystay laakiin aan wali tukan ama isgoo salaadda ku dhex jira la helo biyo ama wixii lagu soo saari lahaa gagabaysigu wuu ka jabayaa, waajibna waxa noqonaysa inuu weysaysto. Sidaa waxa caddaynaya Xadiiska Abii Dar laga soo weriyey ee aan kor ku soo sheegnay. Qofkii ka gagabaysta jinaabo ama gabadhii uu xaydku ka joogsado ee gagabaysata, isla markaana gagabaysi ku tukanayay, markii biyo la helo labaduba waa inay maydhaan (qusul) markay u suura gasho. Cimraan (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaa dadkii tukiyey. Markuu salaaddii dhamaystay ayuu arkay nin aan dadkii la tukan. Wuxuu ku yidhi: “Hebelow maxaa kuu diiday inaad dadka la tukato?” Wuxuu yidhi: “Waan jinaabaysanay biyana waan waayay.” Wuxuu Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Inaad gagabaysato ayaa kugu filan.” Wuxuu Cimraan yidhi: Markii biyo la helay ayuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam ninkii jinaabaysnaa biyo u dhiibay oo ku yidhi: “Orod oo isku shub.” (Al-Bukhaari ayaa soo weriyey).


Diintu waxay inoo bannaysay in aan korka ka masaxno nabarka buka iyo duubka lagu duubo qofka jaban, iwm. Axaadiis badan oo daciif ah ayaa arrintan ku soo aroortay. Hase yeeshee, silsiladohooda iyo meelaha laga soo tebiyay marka la eego ay suura gal tahay in la daliishado laguna dhaqmo. Waxa Axaadiistaa ka mid ah midka Jaabir laga soo weriyey inuu yidhi: “Mar aanu safar u baxnay ayaa nin naga mid ah dhagax ku dhacay oo uu madaxa nabar ka gaadhsiiyey. Ninkii ayaa hebeenkii isku junuunay, markaasuu Asxaabtii ku yidhi: “Rukhso inaan gagabaysto ii fasaxaysa ma haysaan?” Waxay yidhaahdeen: “Maya. Maadaama aad biyo helayso. Saxaabigi wuu maydhay isla markiina geeriyooday. Jaabir (Ihkra) wuxuu yidhi: Markii arrintaa Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam loo sheegay wuxuu yidhi: “Way dileen Alla ha dilee, may warsadaan haddaanay aqoon u lahayn, aqoon la'aanta waxa u dewo ah waraysiga (la tashiga) waxa ku fillaa inuu gagabaysto oo uu maro yar ku duubo nabarka dabadeetana korka ka masaxo, jidhka inta kalena biyo ku maydho.” (Abuu Daa'uud, Ibnu Maajah iyo ad-Daaraqudni ayaa soo weriyey, iyo Ibnu Sakni oo saxiixay)
1 . Ibnu Cumarna waxa ka soo sugnaatay inuu korka ka masaxay duubka nabarka
Xukunka masixidda:
Waa waajib in korka laga masaxo nabarka buka iyo duubka qofka jaban iwm. markii weyso ama qusul loo kicitimoba halkii laga maydhi lahaa meesh bugta. Goormay masixiddu waajib tahay: Qofkii uu nabar ku dhaco ama jaba ee raba inuu weysaysto ama qusul sameeyo waxa ku waajib ah inuu marka hore xubnaha maydho xattaa haddii ay ku kalifto inuu biyaha diiriyo. Laakiin haddii uu qofku ka baqo inay maydhiddu dhibaato gaadhsiiso nabarka Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu tilmaamay inay dariiqooyinka Xadiiskaa laga soo weriyey dhammaan daciif yihiin. Sidaas darteed, aan xujo lagu oogi karin. ama ay xanuun ku siyaadiso ama bogsiinyaha dib u dhigto waxa farad noqonaysa inuu meesha bukta biyaha ku masaxo. Haddii uu ka baqo inay masixiddu nabarka dhibaato gaadhsiiso, intuu nabarka ama meesha jabtay duubo ayuu mar keliya duubka korka ka masaxayaa. Loomana baahna inuu duubka dhaafiyo inta daruuriga ah wax ka badan. Umana baahna duubka nabarka ama jabniinka ka hor inuu qofku daahir ahaado. Mana jiro waqti arrintaa u xadidan ee markuu qofku weyso ama qusul maagaba wuu masaxayaa ilaa intuu baahi lagama maarmaan ah u qabo. Masixidda maxaa buriya: Masixidda duubka nabarka ama meesha jabtay waxa buriya furitaanka duubka laga furo meeshii uu ku duubnaa ee korka laga masaxayay ama isagoo duubku ka siibta ama ka dhaca meeshii uu ku daboolaa.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

788915
Today
Yesterday
All days
1531
779
788915
2024-12-21 16:34

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6766ee094124113524091031734798857
title_6766ee094132411924365261734798857
title_6766ee09414001454691071734798857
title_6766ee09414d03820991641734798857
title_6766ee094159c3583292041734798857
title_6766ee094166711255434911734798857

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6766ee094238613023269921734798857
title_6766ee094246310284412481734798857
title_6766ee09425332325254271734798857
title_6766ee094260020909628431734798857

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com