06. Suáal: Waa maxay arkaanul-iimaan ama tiirarka iimanaku?

06. Jawaab: Arkaanul-iimaan waa tiirarka uu iimaanku ku taagan yahay. Sida ay dhismayaashu u leeyihiin tiirar haya oo haddii mid laga saaro uu dhismuhu dumayo, ayuu iimaankuna u leeyahay tiirar lix ah oo haddii mid ka mid ah qofku si dhab ah u rumayn waayo uu iimaankiisu burayo (burid, buris, burin, buritaan= waa in wax jiray ay baabaáan. Waxaa loo adeegsadaa waxyaalaha aan la taaban karin, sida ballanka, caqiidada, weysada iwm.

07. Suáal: Maxay kala yihiin tiirarka uu iimaanku ku taaganyahay (arkaan-ul-iimaan)?

07. Jawaab: Tiirarka iimaanku waa lix tiir oo kalal ah:

  1. In Ilaahay la rumeeyo
  2. In Malaaígtiisa la rumeeyo
  3. In Kutub-tiisa la rumeeyo
  4. In Rasuulladiisa la rumeeyo
  5. In Maalinta qiyaame la rumeeyo
  6. Iyo in Qaddarka Alle- sharkiisa iyo khayrkiisaba- la rumeeyo.

logo 2


Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

3203367
Today
Yesterday
All days
607
3151
3203367
2026-09-15 05:59

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

JSN_TPLFW_GOTO_TOP
UongofuUongofu.com