SHAFEECO (GARAB SIIN)

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

107. “Kii garabeyn wanaagsan garbeeya ajar buu leeyahay” Suuradda An-Nisaa: Aayadda 85.

246. Abuu Muusa Al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Mar kastoo qof dan leh uu u yimaado nabiga (S.C.W.) wuxuu weydiin jirey ragga la fadhiya, oo ku oran jirey: “Garab siiya oo gacan ka geysta arrintiisa ajar baad ka helaysaane (xag Alle). Allena wuxuu ku guddoominayaa carrabka nebigiisa (S.C.W.) wixii uu doono”. (Bukhaari iyo Muslim)

247. Ibn Cabbas (A.K.R.) wuxuu sheegay isagoo ka hadlaya khilaafkii iyo murankii ka dhex dhacay Bariira iyo ninkeeda, in Nebigu (S.C.W.) ku yiri Bariira: “Way wanaagsanaan laheyd haddii aad ku noqotid ninkaaga. Waxay tiri: Rasuul Alloow, Ma talo iyo kala dhexgalid bay ka tahay mise waa amar? Wuxuu ku jawaabay: Mayee waa iga asxaanfal iyo kala dhex galid, waxay tiri: Ma aan rabo”. (Bukhaari)

logo 2


Facebook Liibaanta

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

3217873
Today
Yesterday
All days
548
2389
3217873
2026-09-20 06:13

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

JSN_TPLFW_GOTO_TOP
UongofuUongofu.com