بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ﴿١﴾

Magaca Allaah ayaan kubillaabaynaa ee Naxariista guud iyo mid gaar ahaaneedba Naxariista.

الٓمٓ ﴿١﴾

Aad baa Macnaheeda looga hadlay, waxaana la sheegay inay magaca suuradda tahay, ama ay ku tusin Mucjisadda Quraanka, Allaah ayaa og waxa loola jeedana waa la dhahaa.

ذَٰلِكَ ٱلْكِتَٰبُ لَا رَيْبَ ۛ فِيهِ ۛ هُدًۭى لِّلْمُتَّقِينَ ﴿٢﴾

Kitaabkaas (Quraanka) shaki kuma jiro Hanuunbaana ugu sugan kuwa Alle ka baqa.

ٱلَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِٱلْغَيْبِ وَيُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقْنَٰهُمْ يُنفِقُونَ ﴿٣﴾

Ee ah kuwa rumeeya waxan la arkayn (ee xaq ah) Salaadda ooga, waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya.

وَٱلَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيْكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبْلِكَ وَبِٱلْءَاخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ ﴿٤﴾

Ee ah kuwa rumeeya waxa lagugu dajiyey Nabiyow, iyo wixii la dajiyey horay, Aakhirana yaqiinin.

أُوْلَٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدًۭى مِّن رَّبِّهِمْ ۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ ﴿٥﴾

Kuwaasi hanuun Alle ayey ku suganyihiin, kuwaasina waa uun kuwa liibaanay.

logo 2


Facebook Liibaanta

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

3250062
Today
Yesterday
All days
64
3720
3250062
2026-10-01 00:52

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

JSN_TPLFW_GOTO_TOP
UongofuUongofu.com