Ilaahay baa ammaan oo dhan & xamdiba iskaleh, Allaha Khabiirka ah oo haddana Xakiimka ah, Xaal uuyahay kii kusugnaaday carshigiisa, Ilaaha qorrax kasoo baxa iyo qorrax udhaca, Allaha abuurtay Maroodiga iyo muluca, kan si guud ugu naxariista adoomihiisa, hayeeshee si gaar ah ugu naxariista Mu’miniinta..
Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato Nabigeennii udgoonaa Muxammad, raxmaddii caalamka, hanuuniyihii ummaddiisa, shafeecihii qiyaamaha, siraajkii muniirka ahaa & saaxiibka Xawdka(darka) ay mu’miniintu kacabi doonaan maalinta qiyaame ee ay qorraxdu kulushahay, Intaas kaddib.
“Ilaahay qaadir ahaaye, isagoo isticmaalaya cilmigiisa ballaaran ee u sahlaya inuu ogaado waxa soo socda, ayuu wuxuu fiiriyey quluubta adoomihiisa bini’aadamka ah, markaasuu wuxuu ka-doortay dhexdooda Nabiyadiisa iyo rusushiisa.
Kaddibna wuxuu fiirshey quluubta Nabiyadiisa, markaasuu wuxuu ka doortay Nabi Maxamed (csw) iyaga dhexdoodii, kaddib wuxuu fiirshey quluubta addoomihiisa ka soo haray ee aan nabiyada iyo malaa’igta ahayn, markaasuu wuxuu ka doortay saxaabadii nabi Muxammed, isla markaasna uu iyaga u doortay Rasuulkiisa inay garab iyo gaashaan u noqdaan, Ilaahay wuu doortay asxaabta nabiga, kaddib markuu fiirshey quluubtooda, kaddib markuu ogaaday inay u qalmaan inuu doorto.
Marka walaalahaygii wanaagsanaayoow, waxaan mawduuceenaan maanta ku eegi doonaa sifihii ama sidii ay saxaabadii Rasuulka lanoolaa ay udhaqmi jireen ama uu ahaa Cabsida ay Alle ka qabeen ciqaabkiisa, tan markaan isla eegno waxaa kuu baxaya in annaga nool maanta iyo iyaga waqtigaas joogey aan isu jirno inta cirka iyo dhulku ay isu jiraan (yacni sida Islaamkeennu u kala fog yahay, iyo sida ay nooga fiicnaayeen)..