3. ALLE U MAHAD CELI CUNIDDA KADIB

Ruuxa Muslimka ahi siduu cuntadiisa ugu bilaabay bisinka ama magaca Alle, haku khatimo inuu Allehii cuntadaas ku arsaaqay u mahad celiyo.

4. CUNTO XALAAL AH CEEB HAKA SHEEGIN

Ruux kastaa wuxuu leeyahay jamasho iyo rabitaan cunto isaga u gaar ah. Waxaa jirta in ruux kastaa naftiisu jecashahay cunto gaar ah, cunto kale oo xalaal ahna ay iska necebtahay sababtoo ah waa cunto naftiisu u baran. Hadday jirto cunto xalaal ah laakiinse qofka Muslimka ah naftiisu diidantahay, waa inuusan ceebayn, qofka cunayana ku caayin ama ceeb ka sheegin. Abuu Hurayrah, Alle ka raali ahaadee, wuxuu yidhi $B!H(BRasuulki Alle
(scw), weligiis cunto xalaal ah ceeb kama sheegin. Hadduu jeclaysto wuu cuni jiray, hadduusan jeclaysanna wuu iska dhaafi jiray isagoo aan dhihin waa xaaraan.$B!I(B Mar waxaa dhacday in manso cagalay la kariyey loo keenay mase cunin maxaa yeelay naftiisu kama helin oo way diiday oo nacday. Wuxuuna yidhi dhulka ciddaydu degto lagama cuno manso cagalay.
$B!!(B