24. Suáal: Waa maxay tawxiidu-uluuhiyah?

24. Jawaab: Kelmadda “Uluuliyah” waxay ka timid kelmadda “Ilaah” oo la macne ah “Macbuud”, yacnii; kii la caabudayey. Markaa “tawxiidu-Uluuliyah” waa in Eebbe kelidii la caabudo.

25. Suáal: Waa maxay tawxiidu-asmaa wa sifaat?

25. Jawaab: Tawxiidu al-asmaa wa sifaat (Al-asmaa = magacyada Ilaahay) (Wa sifaa = sifooyinka) waa in la qiro magacyada iyo tilmaamaha Eebbe isu qiray iyadoon leexinayn macnahooda, loogana metaal (metaal = tusaale) qaadanahayn magacyada iyo sifooyinka makhluuqiisa (makhluuq = waa wixii Alle abuuray).