16. Suáal: Waa maxay tiirka koowaad ee Arkaanul-iimaanku?

16. Jawaab: Tiirka koowaad ee arkaanul-iimaanku waa “in Ilaahay la rumeeyo”.

17. Suáal: Waa gartay in ay ugu horrayso arkaanul-iimaanka in la rumeeyo Ilaahay. Haddaba waa maxay “in Ilaahay la rumeeyo”?

17. Jawaab: In Ilaahay la rumeeyo waxay tahay:

(Makhluuqa = uunka, waxa la abuuray. Waxaa soo hoos gelaya wax kasta oo jira Alle mooyaane.

18. Suáal: Tiirka koowaad ee arkaanul-iimaanka oo ah; “In Ilaahay la rumeeyo” iyo tiirka koowaad ee arkaanul-islaamka qaybtiisa hore oo ah “Laa Ilaaha illa laahu” maxay ku kala duwan yihiin?

18. Jawaab: “In Ilaahay la rumeeyo” iyo Laa ilaaha Illa laahu”, way isa soo dhex gelayaan, laakiin “Laa Ilaah illa Laahu” oo ah kelmaddii tawxiidka, ayaa ujeeddada islaamka sii caddaynaysa.

19. Suáal: Waa maxay kelmadda tawxiidku?

19. Jawaab: Kelmadda tawxiidku waa Laa ilaaha illa Laahu.