• ISKA ILAALINTA CARRUURTA: Waxaa anshaxa iyo aadaabta Islaamka ee galmada ka mid ah in la iska ilaasho carruurta xilliga hordhaca raaxada iyo galmadaba. Diinta Islaamku waxaa ay reebaysaa ama mamnuucaysaa in hordhaca raaxada ama hammad-kicinta iyo galmada lafteedaba lagu sameeyo carruuurta yar-yar hortooda oo aan weli qaan-gaadhin balse gaadha da'da wax kala garashada isla markaana fahmaya waxa dhexmaraya labada waalid.
Waalidka sameeya galmada iyada oo carruurtooda yar-yar arkayso waxaa ay ku kacaan gefweyn iyo mas'uuliyad-darro iyaga oo u haysta in aanay carruurtu fahmayn. Arrintanu waxaa ay saamayn xun ku yeelankartaa carruurta xataa haddii aanay fahmayn macnaha galmada sababta oo ah waxaa ay carruurtu abuur ahaan ku daydaan waxaa ay ka arkaan dadka waaweyn oo samaynaya. Sidaas daraadeed, waxaa reeban ama mamnuuc ah in waalidku galmo ku sameeyo carruurta yar-yar ee aan weli qaan-gaadhin hortooda.
Islaamku waxaa uu ka soo horjeedaa wax kasta oo akhlaaq xumo ama anshax xumo laga qaado sida galmada la bandhigo ama aan la qarin iyo wixii la xidhiidha galmada sida salaaxidda taas oo lagu sameeyo dadka ama carruurta hortooda. Galmada iyo arrimaha la xidhiidha sida salaaxidda oo aan laga qarin carruurta balse lagu horsameeyo waxay aad uga soo horjeedaa anshaxa, xishoodka, iyo asluubta Islaamka.
Waalidku waa inuu carruurta baraa xilliyada ama waqtiyada u gaarka ah waalidka ee aan loo soo gelikarin fasax la'aan ama idan la'aan sida ku cad Qur’aanka Kariimka ah si aanay u arag cawrada waalidka. Waalidku waxaa uu leeyahay seddex (3) waqti ama xilli oo gaar u ah, kuwaas oo kala ah: Waaga hore (Fajriga), duhurka iyo cishaha ka dib. Carruurta aan qaan-gaadhin looma oggola inay soo galaan qolka waalidka iyaga oo aan weydiisan idan ama fasax inay soo galaan seddexdan xilli ama waqti. Carruurta aan qaan-gaadhin loolama jeedo ilmaha sebiga ah balse waxaa loola jeedaa kuwa fahmikara waxa ay samaynayaan labada waalid xilliga hordhaca raaxada iyo galmadaba.
Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: "Kuwa Allaah iyo Rasuulka rumeeyow! Waa in kuwa gacantiinnu hantido iyo carruurtiinna kuwa aan weli qaan-gaadhin idin weydiistaan idan (fasax inta aanay soo gelin qolka waalidka) seddexda waqti ee kala ah: Salaadda Subax ka hor, marka aad dharka iska dhigtaan ee hadhsiimada duhurka ku jirtaan (oo la nasto), iyo kadib Salaadda Cishaha. Saddexdan waqti waa waqtiyo gaar idiin ah (waalidka). Waxaan saddexdan waqti ahayn idinma saarna dembi idinka iyo iyagaba (carruurta) inaad isu timaadaan (idanka oo isu adeegaya). Sidaas ayaa Ilaahay idiinku caddaynayaa Aayadihiisa oo Ilaahay waa Cilmi- Badane, Xikmad-Badan.” [Suuradda An-Nuur, Aayadda: 58aad].
Carruurta waaweyn ama qaan-gaadhka ah waa dembi culus in lagu horsameeyo galmo. Sidaas daraadeed, iyaga waqtina ama xillina looma oggola inay galaan qolka waalidka idan la'aan ama amar la'aan.
Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: "Oo marka carruurtiinnu qaan- gaadhaan, ha idin weydiistaan idan sida kuwii ka horreeyay ay idan u weydiisteen (carruurta qaan-gaadhka ah waqtikasta waa inay iyagu weydiistaan fasax ama idan ay ku soo galaan qolka waalidka). Sidaas ayaa Ilaahay idiinku caddaynayaa Aayadihiisa, oo Ilaahay waa Cilmi-Badane, Xikmad-Badan.” [Suuradda An-Nuur, Ayaadda: 59aad].
Cumar Ibnu Khaddaab (R.C) waxaa uu sheegay: "In ilmihiisa qaan-
gaadhay xagga da'da aanu u oggolayn inay qolkiisa soo galaan amar la'aan
marka uu ku jiro." (Al-Adab Al-Mufrad 1058, Saxeex).