wuxuu kale oo suubanuhu yiri:-
فعن عبد الله بن عمر رضي الله عنهما عن النَّبيِّ صلى الله عليه وسلم : (( لا يزال المؤمن في فسحة من دينه ما لم يُصِبْ دماً حراماً )).
(qofku kama suulo in ay diintiisa waasac utahay hadii uusan galin dhiig xaraam ah).
wuxuu kale oo yiri:-
- وعن ابن عباس رضي الله عنهما، عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: ((يجيء المقتول بالقاتل يوم القيامة, ناصيته ورأسه بيده, وأوداجه تشخب دما, يقول: يا ربّ, هذا قتلني, حتى يدنيه من العرش))[[.
"Maalinka qiyaame waxaa la keeni kii la dilay oo foodda iyo madaxa jiidaya kii dilay oo ay qawlaladiisu dhiig ka shubmayso,markaasuu oranayaa rabiyoow waa kii idilay ilaa uu carshiga udhaweeyo"
Wuxuu kale oo yiri:
"- وعن أبي سعيد رضي الله عنه، عن نبي الله صلى الله عليه وسلم أنه قال: ((يخرج عنق من النار يتكلم يقول: وكِّلت اليوم بثلاثة: بكلّ جبار, وبمن جعل مع الله إلها آخر, وبمن قتل نفسا بغير نفس, فينطوي عليهم فيقذفهم في غمرات جهنم".
"Luqun hadlaysa ayaa naarta jahana ka soo baxaysa maalinka qiyaame,waxay oranaysaa maanta waxaa la ii waliishay seddex qolo oo kala ah kuwii dadka qasbi jiray,iyo kuwii ilaahay u shariik yeelay,iyo kuwii dilay naf aan naf kale dilin,inta loo doo wada jamciyo ayay naarta mugdiyaaladeeda hoose ku wada guraysaa".
(kadhowrsada qofka la dulmiyay habaarkiisa,maxaayeelay uma dhaxeeyo qofka ladulmiyay habaarkiisa iyo alle xijaab)Riwyad kale waxay ahayd (ka dhowrsada qofka ladulmiyay habaarkiisa gaalba ha ahaado haduu doonee)walalyaal sidas aan ku arkayno aayadaha quraanka iyo axadiista rasuulka ee arintan kahadlaysa oon ahayn intaas aan tusalaha usoo qaatay oo kaliya nabadgalyadu waa rukni asaasi ah oo muhum u ah min qof ilaa mujtamac ummadda,marka waxaan shaki kujirin jiilka ku barbaara qawaaniintan,aamina oo si dhab ah urumeeya inay liibaanayaan aduun iyo aaqiro kuna naaloonayaan nolol farxad iyo raaxo leh,waxase nasiib daro ah in maanta markaad muslimiinta ufiirsato in badan oo kamid ah ayan ku dhaqmin kana faa,iidaysanin dadka ayan oga faa,iidaynin dastuurkan rabaaniga ah ee damaanad qaadaya badbaadinta basharka iyo bani aadamka idilkiis,waxaad arkaysaa meelo badan oo dunida muslimka ah oo ay somaliya kamid tahay in banaysiga dhiiga oo sifudud loo daadsho uu nololmaalmeedka kamid noqday iyadoo si aan kalasooc lahayn maalinkasta umada maydadkooda loo waro dariiqyada,iyadon la ogayn kan wax dilay sawabta uu udilay kan ladilayna sawabta loo dilay,runtii waa musiibo laga anfariiro iyo munkar aan loo garaabi karin mashaqada muslimiinta maanta kuhabsatay,waxase intaas oo dhan kadaran in faldambiyeedkan aan laga fiirsan iyo fadeexadan ay musliminta maanta nool magaca kula baxeen ay kula soo galgashaan diinta iyagoo utiirinaya in waxa ay falayaan diintu amrayso,sida iyagoo marka qolo qolo kale weerarayso ama koox koox kale ladirirayso ama qabiil qabiil kale kuduulayo qaata magaca mujaahid,mujaahidiin,xaq udirir iyo wixii lamid ah kuwa kalana ku tilmama inay yihiin daalimiin in ladilo mudan oo dhiigooda banaan yahay.