Waxey aheyd waqtiyada Xajka iyo Suuqyada carabta oo Muhiimka ah oo ay Rasuulka ay dadku ku arki jireen, qaasatan dadka Madaxda ah, wuxuuna ka codsan jiray iney ka caawiyaan dhibaatada heysato, una sheego Risaalada Rabigiisa.
Ugu horeen waxey ka aqbaleen dadka Sannadkii 11aad , waxeyna ahaayeen Lix qof oo qabiilka Qazrajka ah, waana qabiilka magaaladaasi
Sannadkii 12aadna waxaa la heshiiyeen 12nin oo ragga xaafadda ah, dadkaasi waxaa loo yaqaanay Al-Ansaar, heshiiskoodan waxaa loo yaqaanay Caqabada Koowaad. Sannadii xigay ee 13aadna waxaa la heshiiyeen ama soo raaceen 73rag iyo 2naag. Taasina waxaa loo yaqaanay heshiiskii Caqabada Labaad. waxey u dhigantaa heshiiskaan, heshiiskii uu rasuulka u haajiray isaga iyo asxaabtiisa, markey dowlad Islaam ah kacday.
Masjidka Rasuulka (scw) ee Madiinatul Munawwarah