t) Sugidda in la raaco Rasuulkii uu soo dirsaday Rabbil caalamiinku, lagana xoroobo bidcada iyo bidcooleyaalkaba.

j) In la helo nafta oo uu qanacsan iyo qalbiga oo ku degan ku xirnaanta Allihii uunka abuuray, iskana lahaa maamulka, ahaana midka xikmada badan. x) In la helo qancsanaan xagga fekerka ah, toosnaan xagga caqliga ah iyo ka badbaadid khuraafaadka iyo hadba gebi ku dhaca. Kh) In la helo in la buuxiyo danihii iyo baahiyihii naftu lahayd, kuwii jirka iyo inay is dhamaystiraan caqiidada iyo camal-falku. Culummada islaamku waxy weligood ahaayeen kuwo aad ugu dadaala caqiidada, sidaas awgeed waxay dadaal xoog leh gelin jireen inay caqiidada dadka baraan, in ay qoraan oo allifaan kubub la soo koobay iyo sharaxyo balaaran iyagoo mar mar cadaynaya caqiidadii salafka, mar marna cadaynaya mas’lo gaar ah, mar mar kalena meesha ka saaraya ahlu bidcada iyo bidcooyinka dadka lumiyaba. Maadaama sidaasi kirto Ayaan waxaan go’aansaday soo dhoweeyo oo fududeeyo mas’alooyinka caqiidada anigoo u kala hormarinaya qaabkii uu Nabigu (n.n.k.h) u tixay arkaanta iimaanka ee lixda ah oo ku jirtay xadiiskii Jibriil ee caanka ahaa. Waxaanan ka shidaal qaadan doonaa oo aan ka soo dhuran doonaa kitaabka iyo sunnada, anigoo tiir walbaba hoostiisa uga hadlidoona waxyabaha iyo qaybaha hoos imaanaya, gadaalna karaacsiin doona inaan cadeeyo cidda garab martay tiirkaas, qaladkoodana aan cadayn doonaa anigoo aan ku fogaanaynin.