As-Sallaam waa magac kamid ah magacyadda illaahay, Waana salaanta ay muslimiintu dhaxdoodu isku salaamaan, waana salaanta AHLU JANNAHA, Muslimku -dhab ahaan- waa ruuxa ay ka nabad galaan muslimiintu carabkiisa iyo gacantiisaba, Islaamku waa diin khayr u leh dadka dhamaantood, oo deeqa dhamaan, waana jidka liibaantooda aduun iyo aakhirabba. Sidaa darteed ayuu islaamku imaaday isaga oo soo xiray diimihii isaga ka horeeyay kulminaya balaaran oo cad una furan ruux waliba, isaga oo aan kala soocaynin dadka xaga dhalashada iyo xaga midabkaba, iskabadaa taase hal il ayuu dadka oo dhan ku fiirinayaa, ruux dadka ka duwana ma jiro islaamnimadda dhexdeeda, mida lagu kala horeeyaana waaa hadba sida loo qaato diinta. sidaa darteed ayay ku raali noqonaysaa naf waliba oo toosan, sababtoo ah kama hor imanayo Fitradda (abuurka) wanaagsan iyo caqliga toosan.