ANIGU WAXA AAN AHAY MUSLIM (MID HOGAANSAMAY), Taasi macnaheedu waa in diintaydu ay tahay Islaam.
Islaamku waa odhaah wayn oo nadiif ah Nabiyadii ay iska dhaxleen nabad galyo korkooda ha ahaatee, laga soo bilaabo midkii ugu horeeyay ilaa iyo kii ugu dambeeyay, Odhaahdan waxa ay xambaarsan tahay macnayaal sareeya iyo qiyam wayn, waxa ay xambaarsan tahay: isdhiibid, hogaansani iyo ka amar qaadashaddda Allaha na abuuray, Macnaha kale ee weedha As-salaam u xambaarsan tahay dadka dhamaan, wadar iyo waaxidba ayaa ah: nabad, amaansiin, liibaan iyo deganaan. Sidaa darteed ayay noqotay odhaahda Nabada iyo Hogaansanaantu, kuwa ugu badan ee kusoo arooray shareecadda islaamka dhaxdeeda, As-salaam