“Anagaa wax walba ku abuurnay qadar (qiyaas).” [Surat: al-Qamar, 49]
Nabiguna (naxariis iyo nabad dushiisa allaha yeelee) wuxuu yiri:
“Iimaanku waa in aad rumayso Alle iyo malaaiktiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo maalinta aakhiro iyo qadarka kherkiisa iyo shartiisa.” {Saxiis Muslim}
Marka iimaanku waxuu kan koobanyahay hadal carabka looga dhawaaqo iyo rumen qalbiga laga rumeyo iyo fal xubnaha lagala yimaado, camalka suubanna wuu ku kordhaa, macaasida iyo camalka xunna wuu ku nuqsaamaa:
Macnaha aayada waxaa waaye:
“Muminiinta waa uun kuwa markii Alle la xuso ay cabsato quluubtooda, marki lagu dul akhriyo aayaatkiisana waxey u kordhisaa iimaan, rabigoodna tala saartaan, ahna kuwa oogo salaada waxaan ku irsaaqnana wax kabixiyo, kuwaas waaye kuwa muuminiinta xaqa ah.” {Surat: al-Anfaal, 2}
Allaah (swt) wuxuu yiri:
“Ruuxi ku gaaloobo Alle iyo malaiktiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo maalinta aakhiro si xaqiiqo ah ayuu u baadiyoobay baadi fog.“ {Surat: an-Nisaa, 136}