Suuradda al-Faatixa

Suurada al-Faatixa waa suurada ugu horeysa ee qur’aanka kariimka, waxayna ka koobanan tahay todobo aayadood. Suuradan waxay muhiimad aad u weyn ku leedahay Salaada, maxaa yeelay salaad aan lagu aqrinin suurada al-Faatixa ma ansaxayso. Qofka muslimka ah suurada al-Faatixa wuxuu salaadaha waajibka ahi ku aqrinaa maalintii 17 jeer, rakacad walba oo salaada ka mid ah bilowgeeda.

Suurada: Al-Faatixa – { سورة الفاتحة‎ }