Qofka fiirfiiriya aayadaha digriga xakiimka wuxuu si dhab u ogaanayaa qiyamka akhlaaqda ee quraanka kariimka ugu yeeray inaysan ahayn wax laga maarmi karo, meel keliya in lagaga dhaqmi karo, balse waa qiyam sugan oo aan isku baddalin isbaddalka waqtiga, sidoo kale meesha lagu sugan yahay. Wax kaga waadaxsan ma jiro qiyamkan akhlaaqda inay ahaayeen manhaj nololeed oo uu dabbaqay nabiga - naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee - kuna boorriyay uguna yeeray, marka la weyddiiyay mu'miniinta hooyadooda Caa'isha -Ilaahay raalli haka noqdee - nabiga dabeecaddiisa qofka weyddiiyay 4 akhlaaq kala duwan uma tirinin waxay aaddisay quraanka kariimka, Sacad bin Hishaam - Alle ha u naxariistee - waxaa lagaga wariyay oraahda Alle : (Waxaad ku sugan tahay dabeecad sare), wuxuu yiri: waxaan weyddiiyay Caa'isha: umulmu'miniiney iiga warran dabeecadda nabiga waxay tiri: quraanka ma akhrisaa? waxaan iri: haa waxay tiri: dabeecadda rasuulka waxay ahayd quraanka, hagidda Caa'isha qofka wax weyddiiyay waxaa ku sugan adkeyn la adkeynayo in quraanka dhammaantiisa caqiido ama shareeco ama cibaado ama mucaamalaad inuu u yahay asaas ahaan mid si xoog ugu yeera dhisidda aadanaha xagga akhlaaqda oo dhammaystiran, rasuulkuna inuu ahaa tusaalaha ku habboon dhistan dhammaan arrimaha noloshiisa. Qiyamka ugu muhimsan waxaa ka mid ah: in la tixgaliyo dadnimada aadanaha, iyo in la ilaaliyo sharaftiisa oo aan la dulleysanin, kanna waa amarka Alle kitaabkiisa kariimka uu ku amray mu'minka inuu ka hufo naftiisa wax kastoo dadka dhibaya sida jeesjeeska iyo dhaajinta malada xun wuxuu leeyahay Alle: (Kuwa xaqa rumeeyow yuuna yasin ragna rag (kale) waxay u dhawdahay inuu ka khayr badanyahaye, haweenna yayna haween yasin waxay u dhawyihiin inay ka khayr badanyihiine, hana ceebeynina naftiinna, hana isugu dhawaaqina naanays xun, waxaa xun magaca faasiqinimada iimaan kadib, ciddaan tawbad keeninna waa daalimiin), wuxuu leeyahay Alle: (Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada wax badan oo mala ah, maxaayeelay malaha qaarkiis waa dambi, hana is jaasuusina, qaarkiinna qaar yuusan xamanin, miyuu jecel yahay midkiinna inuu cuno Hilibka walaalkiis oo mayd ah, waad neceb tihiin arrintaa, Eebana ka dhawrsada waa tooba aqbale naxariistee).