Quraanka kariimka siduu ugu dadaalay qiyamka akhlaaqda Mahad waxaa iska leh Allaha caalamka oo dhan rabbi u ah kaasoo oo kitaabkiisa kariimka ah ku yiri:  (Quraankanna wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay Mudan Ajir wayn), waxaan qirayaa in Ilaah kale jirin Alle keligiisa mooyee mana laha qof wax la wadaago, waxaan qirayaa in sayidkeena iyo nabigeena uu yahay addoonkiisa iyo rasuulkiisa, Ilaahayow naxariis iyo nabadgelyo nabigeena korkiisa yeel isaga iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa, iyo qofkii wanaag ku raacay ilaa maalinta abaalmarinta. Intaas kaddib: Dhinacyada weynida quraanka kariimka lama tirin karo lamana soo koobi karo, quraanka kariimka waa xarigga Alle ee adag, waa digriga xigmadda leh, waa nuurka cad, waa waddada toosan, kaasoo aan haleelin taxriif, baadilkana imaan karo hortiisa iyo gadaashiisa,  kamana dhergaan culimada, ku celcelintana kuma duugoobo, cajaa'ibtiisana ma dhammaato, qofkii ku hadlo run buu sheegaa, qofkii ku camalfalana ajar buu helaa, qofkii ku xukumana cadaalad buu falaa, qofkii ugu yeerana waddada toosan ayaa lagu hanuuniyaa, wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:  (Waxaana kugu dajinnay Kitaab oo ah Caddaynta wax kasta iyo hanuun iyo Naxariis iyo bishaarada dadka muslimiinta ah), wuxuu leeyahay Alle: (Waxba kagama aanan tagin Kitaabka, waxaana loo soo Kulmin Dadka Xagga Eebahood).