WAXYAALAHA KA REEBAN IXRAAMKA  
1. Xiiritaanka timaha ama gaabintood, waxaana la mid ah jaridda ciddiyaha.
2. Isticmaalka barafuunka iyo cadarrada hadday tahay xagga maradiisa ama oogadiisa.
3. Galmada iyo u tegidda ninka xaaskiisa, waa sidoo kale taab-taabashada iyo ku raaxeysiga hadday la socoto macaansi.
4. Heshiis guur inuu galo ha ahaado qofkaa uu u xiran yahay xajka nin ama haween.
5. Waxaa ka reebban qofka xajka uu u xiran yahay ugaarashada, marka uma bannaana ugaarashada shimbiriaha iyo xoolaha berriga, iwm.
6. Waxyaalaha reebban ee ku gaark ah nimanka:
• Xirashada wax ku jaan go’an xubnaha oogada, iyadoo uu jirayo xubin kasta wax ku hareersan oo ku jaan go’an, sida shaarka, cambuurka, iyo saraawiisha gaaban iyo kuwo dhaadheer, iwm.
• Ku daboolidda madaxa wax ku dheggan, waxase daboola madaxa ee leh saqafyada dhismooyinka iyo baabuurrada iyo dalladaha, kuwaasi dhib ma leh.